Kumanaan Itoobiyaana Oo Diiday Inay U Fadhiistaan ​​Imtixaanka Qaran Iyo Sababta

0
Friday October 14, 2022 - 07:53:42 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1001
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kumanaan Itoobiyaana Oo Diiday Inay U Fadhiistaan ​​Imtixaanka Qaran Iyo Sababta

    "Waxay ahayd in lagu dul xidho xarumaha waxbarashada muddada imtixaanka,"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Waxay ahayd in lagu dul xidho xarumaha waxbarashada muddada imtixaanka,"


Kumanaan arday ah oo ku nool gobolka Axmaarada ee woqooyiga dalka Itoobiya, ayaa isaga baxay imtixaanka guud ee shahaadiga ah, ee looggu gogol xaarayo gelitaanka jaamacadaha.

 

In ka badan 12,000 oo arday oo dugsiyada sare ah, ayaa diiday inay u fariistaan​​imtixaanada, sida lagu sheegay tirooyinka rasmiga ah.

 

Hadal kasoo baxay wasaaradda waxbarashada, ayaan lagu sheegin sababta ay u diideen, balse waxa uu imanayaa diidmadani, iyadoo mas’uuliyiintu ay soo saareen tallaabooyin cusub oo loogga hortagayo waxa ay ugu yeereen cudurka dilaaga ah ee qishka.

 

Diidmada imtixaanku ee ardeyda, ayaa waxay noqotay wax caadi ah sannadihii u dambeeyay.

 

Si loo xaddido qishka, dowladda ayaa waxay sanadkan u rartay arday ka badan 500,000, taasoo ah wareegii koowaad oo keliya, xarumaha jaamacadaha kala duwan ee dalka.

 

Waxay ahayd in lagu dul xidho xarumaha waxbarashada muddada imtixaanka, lagana mamnuuco inay la galaan taleefanada gacanta iyo internetka.

 

Wareegii labaad ee imtixaanaadka, oo ay u fariisanayeen boqolaal kun oo arday ah, ayaa lagu waday inuu furmo maanta oo Khamiis ah.

 

Iyadoo talaabooyinkan cusub ay socdaan, arday ayaa la dilay, qaar ka mid ah ciidamada amaankana waa la dhaawacay, kadib markii rabshado ay dhaceen, iyadoo ardaydu ay isku dayeen inay socod ku maraan maamulka Axmaarada.

 

Arday kale ayaa horay u dhintay, kadib markii buundadu ay ku duntay xarun jaamacadeed oo ku taalla koonfurta dalka.

 

Imtixaanadan ayaan ka dhacayn gobolka ay colaaduhu ragaadiyeen ee Tigray, halkaasoo dowladda federaalka aysan wax adeeg waxbarasho ah ka bixin muddo labo sano ah.

 

BBC


Loading...
Loading...