Trump Oo Si Aan Ku Talogal Ahayn Sir U Bixiyay

0
Wednesday June 12, 2019 - 09:54:40 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 4989
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Trump Oo Si Aan Ku Talogal Ahayn Sir U Bixiyay

    Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa si aan ula kac ahayn u bixiyay qaar ka mid ah

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa si aan ula kac ahayn u bixiyay qaar ka mid ah macluumaadka la xiriira heshiiska uu Mexico la galay ee ku saabsan soogalootiga.

Saxafiyiinta ayuu diiday in uu sharaxaad ka siiyo faahfaahinta qorsheyaasha la isku afgartay, isaga oo ku yiri "waa arrin sir ah”.



Balse markii uu saxafiyiinta macsalaamaynayay isaga oo gacanta u taagaya ayuu sheegay in qaybo ka mid ah heshiiska uu qoraal ku hayo, markaas ayayna warbaahintu billawday in ay sawiraan waraaqda.


Waxay sharaxaad ka bixinaysaa qorsheyaasha Mexico looga dhigayo "dal lagu nabad gali karo” iyo qorshe yaal kale oo wasiirka arrimaha dibadda ee Mexico uu soo bandhigay Isniintii.


Haddii Mexico ay noqoto dal ammaan ah, muhaajiriinta magangalyo doonka ah ayaa codsigooda lagu dhagaysan gudaha Mexico badalkii Maraykanka dhexdiisa lagu dhagaysan lahaa.


Warqadda ayay ku qoran tahay in Mexico ay ka go’antahay in ay si degdeg ah dib u ugu eegto shuruuxdeeda si ay u noqoto dal saddexaad oo ammaan ah haddii loo baahdo.


Waxaa kale oo ku jira qorshe kale oo magangalyo looga dalban karo gobolkaas, kaas oo ay qayb ka noqonayaan dalal dhawr ah oo ku yaalla Laatiin Ameerika kuwaas oo ay soo maraan dadka magangalyo doonka ah, si ay iyaguna uga badbaadaan in Maraykanku uu canshuurta ku kordhiyo alaabada uu ka soo dhoofsado.


Maxay Mexico ka tiri heshiiska?

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Mexico Ebrard ayaa sheegay in dalkiisu uu haysto 45 maalmood si uu u muujiyo in uu awoodo xakamaynta muhaajiriinta ku qulqulaya Maraykanka ee xadka dalkiisa ka tallaaba, si ay arrintaas u hirgaliyaanna ay xoojinayaan ilaalada xadka dhanka koonfureed.


Hadda dawladda Mexico ayaa xadka Guatemala gaynaysa 6,000 oo askari oo ka mid ah ilaalada qaranka.


"Dhanka koonfureed haddaad aado waxa u horreeya eed iswaydiin waa xadku waa xaggee? Waxba kama muuqdaan,” ayuu yiri Talaadadii. Wuxuuna intaas ku sii daray "in ujeedadu ay atahay in xadka koonfureed laga dhigo sida midka waqooyiga oo kale intii macquul ah ee la awoodo.

 

BBC

Loading...
Loading...