Xogtii Ugu Danbaysay Ee Ku Saabsan Isku Shaandhaynta Muuse Biixi Karkarinayo,Xubnaha Uu Eryayo Iyo Kuwa Uu Magacaabayo

0
Thursday October 13, 2022 - 03:38:28 in News by Abdi Good
  • Visits: 4099
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xogtii Ugu Danbaysay Ee Ku Saabsan Isku Shaandhaynta Muuse Biixi Karkarinayo,Xubnaha Uu Eryayo Iyo Kuwa Uu Magacaabayo

    Xogtii Ugu Danbaysay Ee Ku Saabsan Isku Shaandhaynta Muuse Biixi Karkarinayo,Xubnaha Uu Eryayo Iyo Kuwa Uu Magacaabayo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xogtii Ugu Danbaysay Ee Ku Saabsan Isku Shaandhaynta Muuse Biixi Karkarinayo,Xubnaha Uu Eryayo Iyo Kuwa Uu Magacaabayo

Xog ku saabsan isku shaandhaynta uu Muuse Biixi ku samaynayo xukuumadiisa.

Ka dib mudo kordhintii loo sameeyey, Muuse Biixi ilaa hada waxa uu ku mashquulsan yahay isku shaandhayn balaadhan oo uu doonayo inuu ku sameeyo xukuumadiisa.

Wararka hordhaca ah ee laga helayo wasiirada uu eryayo, xubnaha uu magacaabayo iyo kuwa oo ka badalayo boosaska ay hada joogaan ayaana isa soo taraysa.

Sababta ugu weyn ee uu wakhtigan u samaynayo isku shaandhaynta balaadhan ayaanay wararku sheegayaan inay salka ku hayso cabsi uu ka qabo golaha wakiilada inay ansixin waayaan haddii ay ka gaadho bisha November oo mudo xileedkiisii sharciga ahaa dhamaanayo.

Wararku waxay sheegayaan in wasiirada uu Muuse Biixi qorshaynayo inuu eryo ay ku jiraan wasiir Cabdirisaaq Albaani, wasiir Shugri Baandare oo iscasilaad gudbisay, wasiir Cali Mareexaan, wasiir Dr. Ciise Kayd, wasiir Sacad Cali Shire oo uu ka aqbalayo iscasilaad uu u gudbiyey, wasiir ku xigeenka maaliyada Rooda Jaamac Cilmi, wasiir Cabdiqani Caateeye, wasiir Saajin oo xilka laga qaadayo ka dibna xaga xisbiga loo dirayo, wasiir ku xigeenka arimaha gudaha Cabdilaahi Maxamed Xuseen iyo taliyaha ciidanka booliska Dabagale.

Sidoo kale wararku waxay sheegayaan in xilalka laga qaadi doono Badhasaabka Burco iyo ku xigeenkiisa, badhasaabka Hargeysa, badhasaabka Saaxil, badhasaabka Gabiley, agaasimaha wasaarada maalgashiga, agaasimaha technologyada, gudoomiyaha baanka, gudoomiyaha hay’adda shaqaalaha iyo ku xigeenkiisa, agaasimaha wasaarada ciyaaraha iyo gudoomiyaha guddida maamul wanaaga.

Masuuliyiinta laga badalayo xilalka ay hayaan ee loo magacaabayo hay’addo kale ayey wararku sheegayaan inay ku jiraan wasiir Maxamed Kaahin, wasiir Saleebaan Cali Koore, wasiir Siciid Sulub, badhasaabka Ceerigaabo, badhasaabka Awdal, agaasimaha madaxtooyada iyo hay’adda duulista oo wasaarad loo badalayo masuuliyiinteeduna la dalacayaan.

Sidoo kale xubnaha la magacaabayo ayey wararku sheegayaan inay ka mid yihiin Cali Warancade, Maxamed Nuur Caraale Duur, Amb Baashe Cumar, Cabdiraxmaan Soltelco, Maxamed Axmed Caalin Tiimbaro, Cumar Sayid, Jaamac Muuse Jaamac, Axmed Kilaas iyo Cali Shoombe.

Sidoo kale wararku waxay sheegayaan in Muuse Biixi uu qorshaynayo inuu xilka taliyaha booliska u magacaabi doono masuul ka soo jeeda beelaha Hawd Iyo Hargeysa kaas oo ilaa hada aan la ogayn.

 

Fiiro Gaar Ah:- xogtan aan idiin soo gudbiyey waa sida ay I soo gaadhsiiyeen ilaha ku xidhan madaxtooyada Somaliland, waana suuragal isbadel ku yimaada iyo inay sidan u dhici waydo maadaama oo Muuse Biixi dabeecad u leeyahay inuu badelo wixii dibeda uga baxa ee uu is yidhaahdo waa lagaa ogaaday.



Loading...
Loading...