Khuburrada Teknooloojiyadda Ee Carruutoodu Ka Mamnuuca Shaashadaha

0
Wednesday June 12, 2019 - 07:31:56 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2408
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Khuburrada Teknooloojiyadda Ee Carruutoodu Ka Mamnuuca Shaashadaha

    Dadka ka shaqeeyo shirkadaha sameeya qalabka iyo adeegyada teknooloojiyadda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dadka ka shaqeeyo shirkadaha sameeya qalabka iyo adeegyada teknooloojiyadda

ayaa inta badan carruurta uga digaa inay adeegsadaan teknooloojiyadda gaar ahaan teleefoonada iyo wixii lamid ah.


Pierre Laurent oo ah madaxa fullinta shirkad soo saarta teknooloojiyadda oo ku taalla San Francisco ayaa saddex carruur ah oo uu dhalay geeyay Iskuul gaar loo leeyahay oo lagu magacaabo Silicon Valley kaas oo carruurta ka hor istaago in waxa lagu baro ama ay adeegsadaan teknooloojiyadda ilaa inta ay ka qaangaarayaan.



Laurent ayaa BBC u sheegay in inta badan waaliddiita caruurtoodu wax ka dhigata Iskuulkan ay ka shaqeeyaan shirkado teknooloojiyadda qaabilsan.


Iskuulka ayaa waaliddiinta u sheegaa dhibaatooyinka ay teknooloojiyadda ku reebto carruurta wax barta.

"Uma baahna carruurta in shaashad ay wax ka bartaan balse waxaa loo baahan yahay in maskaxda carruurta tacliin lagu shubo" ayuu yiri Laurent.


Waxyaabaha is burinayo

Markii ugu horreysay ayay warbaahinta ku tilmaantay Iskuulka Silicon Valley inuu wado qorsheyaal isburinayo maadama carruurta wax ka barata waaliddiintooda ay ka howlgalaan shirkadaha ugu waaweyn dunida ee qalabka casriga soo saaro.


Iskuulkan ayaa u ololeeya halkudhiyada uu ugu magac daray 'Waxbarasho wax ku ool ah oo ku aadan 'koriinka maskaxda.


Manhajka uu Iskuulkan adeegsado ayaa diiradda saaraya xirfadaha ku saabsan, isku kalsoonaanta, aadaabta, firkir madaxbanaan, wadashaqeynta iyo curinta fikrado cusub.


"Maskaxda qofka banii'aadanka kuma kobacdo aqoon laga barto shaashad, waa in aad howl qabataa oo aad isku daydaa si aad wax u baratid" ayuu yiri Laurent.


Dad badan ayaa rumeysan in teknooloojiyadda ay tahay nidaam laga maarmaan ah qarniga 21-aad oo loo adeegsan karo fasalada ardeyda isla markaasna horseedi karo in horumaro dhanka waxbarashada ah lagu tallaabsado.


Merve Lapus oo ah agaasimaha shirkad qoysaska talooyin ka siiso arrimaha teknoloojiyadda ayaa sheegay in aaladaha casriga uu carruurta ka caawinayo inay la jaanqaadaan dunida isla markaasna u sahli karo inay helaan fursado dhanka nolosha ah.


Waxaa uu sidoo kale qabaa in carruurta ay dhibaatooyin ay kala kulmaan teknooloojiyadda balse aanan la dhayalsan karin faa'idooyinka laga dhaxli karo.


Tallaabada xigta

Ha'yadda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa dhawaan soo saartay talooyin ku aadan carruurta marka ay timaaddo daawashada shaashadda, waxay ha'yaddu soo jeedisay in carruurta aysan wakhti badan adeegsan shaashadda ama qalabyada kale ee lagu madadaaliyo ee leh shaashadda.

WHO waxay soo jeedisay in carruurta ay da'ddodu tahay 2 sanno jir aanan la daawadsiin telefishin ama shaashad, balse carruurta ay da'doodu ka sarrayso 2 jir ilaa 4 jir hal saac oo kaliya ah la daawadsiin karo telefishin maalintii.

 

BBC

Loading...
Loading...