Rai'sul Wasaarihii Hore Ee Malaysia Oo Isaga 97 Jir Ah Mar Kale Xil U Tartamaya

0
Wednesday October 12, 2022 - 09:18:35 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 882
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Rai'sul Wasaarihii Hore Ee Malaysia Oo Isaga 97 Jir Ah Mar Kale Xil U Tartamaya

    "Mr Mahathir ayaa labo jeer soo noqday ra'iisul wasaaraha Malaysia"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Mr Mahathir ayaa labo jeer soo noqday ra'iisul wasaaraha Malaysia"



Mid ka mid ah siyaasiyiinta adduunka ugu khibradda badan, Mahathir Maxamed, ayaa shaaciyay in uu u tartami doono baarlamaanka doorashada guud ee Malaysia.

 

Mahathir Maaxamed ayaa waxaa ay imika da'diisu tahay 97 jir.

 

Mr Mahathir ayaa labo jeer soo noqday ra'iisul wasaaraha Malaysia, waxaana mudda xileedkiisii ugu horreyay uu xilka hayay muddo 22 sano ah.

 

Mar kale ayaa loo magacaabay xilka rai'sul wasaaraha 2018 markaasi oo uu 92 jir ahaa. Waxa la dhigay isbitaalka horaantii sanadkan isagoo xaalad dhanka wadnaha laga daweeyay, balse waxa uu sheegay in uu hadda aad u wanaagsan yahay oo uu difaacan karo kursigiisa.

 

Ma uusan sheegin in uu rai'sul wasaare noqonayo haddii isbahaysigiisa ay doorashada ku guulstan.

 

BBC


Loading...
Loading...