Haweeney 35 Jir Ah Oo Noqotay Hooyada Ugu Carruurta Badan Nigeria

0
Wednesday October 12, 2022 - 09:12:01 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1289
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Haweeney 35 Jir Ah Oo Noqotay Hooyada Ugu Carruurta Badan Nigeria

    "Waa awoodda Alle, ma cuno wax gaar ah, oo keenaya inaan dhalo ilmo badan."

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Waa awoodda Alle, ma cuno wax gaar ah, oo keenaya inaan dhalo ilmo badan."

 


Qaar ka mid ah dadka ku nool gobolka Katsina ee ku yaalla waqooyi-galbeed ee wadanka Nigeria ayaa billaabay inay ugu yeeraan haweeney lagu magacaabo, Hajara Shucaybu, inay tahay haweeneyda ugu dhalmada badan dalkaas, iyadoo ay taasi ugu wacan tahay tirada carruurta ah ee ay dhashay. Dhawaan waxay hooyadaas dhashay shan carruur ah oo isku mar ah.

 

Haweenaydan ayaa laba jeer ilmo mataano ah dhashay, kaddibna waxay ilmo dhashey sagaal jeer oo markiiba mid kali ah, waxaana ay haatan umushay shan isku mar ah, taasoo tirada guud ee ilmaha ay dhashay ka dhigeysa 18 caruur ah.

 

Mar ay BBC-da kala hadashay dhalmada ilmaheeda, gaar ahaan shanteeda ilmood ee ugu danbeeyay, ayaa waxay sheegtay inaysan jirin wax isbeddel ah oo ay dareentay ama ay filaysay inay umuli doonto wax ka badan hal cunug.

 

Waxay intaa ku dartay inaysan u tagin dhakhtar waligeed inta ay ilmaha uurka ku sido, sidaas darteedna ay guriga uga dhaliyaan umulisooyin, kaddibna markii ay umusho la geeyo isbitaalka guud ee Funtua, si loo hubiyo caafimaadkeeda iyo kan ilmaha yar.

Haajara oo ah haweenay xaas ah oo guriga uun iska joogta,  oo aan shaqo iyo ganacsi toona sameyn, ayaa waxay sheegtay inaanay jirin wax ay samayso oo gaar ah iyo wax kale oo ay ku kacdo oo ay carruur badan sidaas ku dhasho.

 

Waxay tiri, "Waa awoodda Alle, ma cuno wax gaar ah, oo keenaya inaan dhalo ilmo badan."

 

Haweeneydan ayaa ka codsatay dowladda iyo dadka kaleba inay ka caawiyaan sidii ay carruurta badan ee ay dhashey u daryeeli lahayd.

Hase yeeshee, Seyga haweeneydan, oo ah aabaha dhalay carruurtan, Shucaybu Umar, ayaa BBC-da u sheegay in labo ka mid ah carruurta shanta ah ee hal mar dhashey, ay dhinteen maalin kaddib dhalashadooda.

 

Laakiin saddexda soo hartay, ayaa weli nool, balse waxaa la geeyay isbitaalka guud ee dowladda dhexe ee Katsina, si ay hooyada ugu daryeesho.

 

Waxa uu sheegay in isbitaalka guud ee Funtua aysan jirin dhalo lagu rido dhallaanka dhiciska ah, sidaas awgeedna hadda loo diray xarunta dowladda dhexe ee Katsina, oo ay ka heleen daryeelkii ay u baahnaayeen.

 

Shucaybu, oo ka mid ah dadka beeraleyda ah ee ku nool tuulada Doma ee gobolka Katsina, ayaa sheegay in carruurta uu u arko hadiyad iyo naxariis xagga Eebbe ka timid.

 

Laakiin waxa uu dhankiisa sheegay in aysan jirin cunto gaar ah oo ay xaaskiisu qaadato, ama wax ay samayso oo ka dhigaya inay carruur badan dhasho.

 

Ninkan ayaa sheegay in guddoomiyaha dawlada hoose ee Faskari ee gobolka Katsina nuu ku caawiyey lacag dhan 100 kun oo lacagta Naira ah, balse ay weli u baahan yihiin in laga caawiyo dhanka daryeelka qoyska.

Cumar Xuseen, oo ah aabbaha dhalay Hajara, ayaa sheegay in gabadhiisu guursatay 21 sano ka hor.

 

"Hajara waa 35 sano jir, waxay xaas ahayd 21-kii sano ee la soo dhaafay, marka loo eego tirada ay dhashay, waxaan oran karaa waa deeq Alle,” ayuu yiri Cumar.

 

Mar ay BBC-da weydiisay Hajara inay mar kale dhali doonto mustaqbalka, ayaa waxay sheegtay in xaaladdu aanay gacanteeda ku jirin, Ilaahayna uu wax walba hayo. "Haddii uu go'aanka ka ahaado dhanka Alle, inaan mar kale dhali doono, waan umuli doonaa," ayey tiri.

Haweeney dhashey 17 caruura oo dooneysa iney kuwo kale dhasho

 

Dhanka kale, waxaa horey u jirtay haweeney ilmo tiro badan dhashey dalka Nigeria, taasoo dhashey 17 caruur ah.

 

Haweeneydaasi waxaa la yiraahdaa, Jummai Ibrahim, oo ah haweeney ku nool gobolka Kano. Waxay hal tiro ka hooseysaa haweeneyda haatan taariikhda cusub dhigtay, Hajara.

 

Waxay BBC-da u sheegtay inay weli doonayso inay dhasho carruur ka badan 17-kii ay dhashay, sababtoo ah bay tiri, "carruurtu waa nimco xagga Eebbe ka timid."

 

Haweeneydan ayaa sidoo kale xustay inay ku faaneyso tirada carruurta ay dhashay.

 

Si kastaba ha ahaatee, waxay sheegtay in hal shay oo ay tahay inay dadku ogaadaan uu yahay inaysan carruurta si caadi ah u dhalin, oo qalliin lagu sameeyay.

 

BBC


Loading...
Loading...