" Cabdiraxmaan Cirro Wuxuu Bedelay Siyaasaddii Somaliland..."Jamaal Cali
Hargaysa (HWN) Siyaasi
Jamaal Cali Xuseen ayaa sheegay in
siyaasiyiinta Somaliland qaar kood ay siyaasada uyaqanaan khiyaamo.
Siyaasiga ayaa sidoo
kale Musharax Ciro ku hambalyeeyay wareejinta Xisbiga Waddani, waxaanu aqoonyahanku
sidaasi ku sheegay qoraalkan hoose oo uu baahiyay.
"Maahmaah ay leeyahiin
dadka ku nool waddanka Trinidad and Tobago ee ku yaala Jasiiradaha Carribeanka
ayaa tidhaahda: ” Eat little, and you will live long” taasoo micnaheedu yahay ”
In yar cun aad in badan noolaatide”. Taasoo ka dhigan hadaad dadka wax uga
tagto sumcadaadu Waxay noqonaysaa mid weyn oo in badan jirta oo waarta.
Qofku hadduu la yimaado
siyaasad cusub waa loo haneeya Oo lagu hanbalyeeya. Siyaasaddii Somaliland ee
khiyaamadda iyo anaaniyadda ahayd wuu ka leexday Cabdiraxmaan Cirro. Maanta
isagoo aan kursigii Madaxweynaha fuulin ayuu fuliyey balantii uu la galay laba
siyaasi Oo hore Ugu soo biiray xisbiggii uu aasaasay ee Waddani. Midi waa
Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda Oo uu geed dheer iyo mid gaabanba u fuulay siduu
Ugu dedaali lahaa inuu Cabdirisaaq Khaliif ku guuleysto jaggadaasi. Mar
labaadkii Wuxuu dhawaan ciyaaray shax siyaasadeed Oo wuxuu gudoomiyihii
xisbigga ku wareejiyey Xirsi Xaaji Xasan. Labaddaba waxaan Ugu hanbalyeeynayaa
jagooyinkaa loo doortay iyo inay la shuraakoobeen hogaamiye Ilaahay ka baqanaya
Oo balantii uu la galay sideeddii uga soo baxay isagoon fuulinba kursigii
Madaxweynaha.
Somaliland siyaasiyiin
badan ayaa u haysta in ay siyaasaddu tahay khiyaamo iyo balan ka bax, laakiin
kolka danbe Waxay ku danbeeyaan in ay cidla soo istaagaan Oo aanay cidiba dib u
aaminin oo aanay ka biyeysan. Kuwaasina waynu soo aragnay Oo if iyo aakhiraba
waxba may dhigan. Murashaxa madaxweynaha ee xisbigga Wadani mudane Cabdiraxmaan
waan hanbalyeeynayaa waxaanan leeyahay kursiga Ilaahay baa hayee kolay nin if
iyo aakhriba u diyaar garoobay baa tahay, balantii aad ka soo baxdayna kolay
bulshadda in badan ayaa qiimeysa qofka kelmadiisa iyo qawlkiisa ilaaliya.
Shacabku waa in qofka
balanta ka baxa ee beenalaha ah aanu yeelan waji danbe ee uu ummadda la soo hor
istaago. Indhaha waa in la furo, siyaasadana la furfuro Oo sharciyadda dalka la
dhowro Oo xisbiyadda xilligooda la doortay ee 10 ka sanadood aanay dhaafin.
Haddii kale dimuqraadiyadda aynu ku faanayna Waxay noqonaysaa hal bacaad lagu
lisay. Kolay markaan dalka dib Ugu soo noqdo inshallah ayaan waxyaabo badan oo
arrimaha bulshadda iyo siyaasadaba si qoto dheer uga hadli doonaa maadama aan
in badan ka aamusnaa arrimaha siyaasadda. Kheyr Baan u rajaynayaa shacabka” Siyaasi
Jamaal Cali Xuseen .