"KAAH Maaha Urur Deegaan Gaar Ah Laga Leeyahay" Siyaasi Maxamuud Xaashi
"kuwaas oo xanbaarsan hami weyn iyo aragti fog"
Hargaysa (HWN) Siyaasi Maxamuud
Xaashi Cabdi ayaa sheegay in Ururka KAAH aanu ahayn urur deegaan gaar ah laga
leeyahay ama dad gaar ahi leeyihiin.
Waxaanu siyasigu
intaasi ku daray in ay ururkan ku midoobeen haldoorka siyaasiyiinta dalku.
"Kaah maaha urur koox gaar ihi leedahay, ama deegaan gaar ah
laga leeyahay. Hasayeeshee, waa urur ay ku midoobeen siyaasiyiin, haldoor iyo
aqoonyahano kala duduwan, kuwaas oo xanbaarsan hami weyn iyo aragti fog, oo
dalkan u horseedi kara horumar iyo hodantinimo.” Maxamuud Xaashi Cabdi.
Loading...
Loading...