Sidee Ayey Murannada Siyaasaddeed ee Somaliland u Saameeyeen Nolosha iyo Horumarka Dalka?

0
Tuesday October 11, 2022 - 12:30:11 in News by Abdi Good
  • Visits: 957
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sidee Ayey Murannada Siyaasaddeed ee Somaliland u Saameeyeen Nolosha iyo Horumarka Dalka?

    Sidee Ayey Murannada Siyaasaddeed ee Somaliland u Saameeyeen Nolosha iyo Horumarka Dalka?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sidee Ayey Murannada Siyaasaddeed ee Somaliland u Saameeyeen Nolosha iyo Horumarka Dalka?
May be an image of text


HORDHAC:

Sannadihii ugu dambeeyey, nolosha bulshada Somaliland waxa si weyn u hadheeyey Muranno Siyaasadeed oo cakiran oo soo noq-noqday oo u dhexeeya Xukuumadda iyo Xisbiyada Mucaaridka ah.

AFEEF:

Qoraalkan koobani kama jawaabayo nuxurka arrimaha la isu hayo. Sidoo kale, qoraalkani kama gar-naqayo labada dhinac ee is haya kooda qaldan iyo kooda saxa ah. Laakiin qoraalkani wuxuu si guud isu dul taagayaa saamaynta ay Murannada Siyaasaddu sannadahan dambe ku yeesheen nolosha bulshada JSL.

In kasta oo ay bulshada JSL in badan u dheg taagayeen xal-u-helida arrimaha la isu hayo, laakiin nasiib darro Murannada Siyaasadda ee ka jira dalkeena waa kuwo marba marka ka dambaysa yeelanaya weji cusub oo hor leh.

Marka la eego waxyeelada ka dhalatay Murannada Siyaasadda ee soo noq-noqday iyo saamaynta taban ee ay ku yeesheen:
• Xagga koboca dhaqaalaha dalka.

• Xagga wadajirka iyo is-aaminka bulshada,

• Heerka kalsoonida Shacabku ay ku qabaan nidaamka Xisbiyada badan iyo Dimuqraadiyadda,

• Muuqaalka khaldan ee ay bulshada caalamku ka qaadan karaan degenaanshaha siyaasadeed iyo xasiloonida xagga amniga ee ka jira dalka Somaliland,
Haddaba, saamaynta ka dhalatay Murannada Siyaasadda ee cakiran, waxa la odhan karaa waxa ugu muhiimsan dhawrka qodob ee soo socda:

1. NIYAD-JABKA BULSHADA EE NIDAAMKA DIMUQRADIYADA:

Murannada Siyaasadda ee soo noq-noqday waxay sababeen niyad jab iyo kalsooni darro bulsho oo la xidhiidha nidaamka doorashooyinka iyo hannaanka dimuqraadiga ah ee uu dalkeenu qaatay 20 sano ka hor. Waqtigan xaadirka ah, waxa hoos u dhacay xiisihii iyo xamaasadii ay codbixiyeyaashu u hayeen nidaamka dimuqraadiyada. Mana muuqato faa'iidada uu hannaanka dimuqraadiyaddu u leeyahay nolosha bulshada Somaliland. Aqlabiyadda bulshada Somaliland waxay haatan is weydiinayaan su'aasha ah: Hannaanka Dimuqraadiyada iyo Axsaabta Siyaasadda ee aynu qaadanay, ma horumar bay inoo keeneen mise dib-u-dhac??

2. KALA QAYBINTA BULSHADA IYO KU DHAQANKA QABYAALADDA:

Muranada Siyaasaddu waxay bulshada dhexdeeda ka abuureen kala-qaybsanaan weyn oo dhan walba leh; waxa aad u xoogaystay dareenkii qabyaaladda; waxa hoos u dhacay ku adkaanshihii iyo ilaalintii arrimaha masiiriga ah ee bulshadeena ka dhexeeya; waxa yaraaday dareen-wadareedkii waddanninimo. Arrimahan oo dhammina waa kuwo halis ku ah guud ahaannba Qarannimada iyo wadajirka bulshada JSL.
(3) KALA QAYBINTA BULSHADA QURBA-JOOGA SOMALILAND:

Murannada Siyaasaddu waxay Bulshada Qurba-Jooga Somaliland ka dhex abuureen kala-qaybsanaantii iyo iskaashi la'aantii ugu weynayd taariikhda ee ka dhex dhacda Qurba-Jooga reer Somaliland. Isku duubnidii iyo awoodii ay lahaayeen bulshada Qurba-Jooga Somaliland waxa xagal-daaciyey Murannada soo noq-noqday ee u dhexeeya Xukuumadda iyo Xisbiyada Mucaaridka ah; iyadoo la ogyahay in Qurba-Joogu ay laf-dhabar u yihiin dhaqaalaha iyo horumarka Dadka iyo Dalka Jam. Somaliland.

Waxa Qoray Xuseen Deyr

Loading...
Loading...