10 Sanadood Oo Uu Socday Mashruuca Biyaha Hargeysa Iyo $70 Milyan Oo Lagu Qaatay

0
Tuesday October 11, 2022 - 12:25:03 in News by Abdi Good
  • Visits: 897
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    10 Sanadood Oo Uu Socday Mashruuca Biyaha Hargeysa Iyo $70 Milyan Oo Lagu Qaatay

    10 Sanadood Oo Uu Socday Mashruuca Biyaha Hargeysa Iyo $70 Milyan Oo Lagu Qaatay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

10 Sanadood Oo Uu Socday Mashruuca Biyaha Hargeysa Iyo $70 Milyan Oo Lagu Qaatay
Mashruuca biyaha Hargeysa ayaa la furay isaga oo qabyo ah ka dib 10 sanadood uu socday oo lagu qaatay lacag maalgelin ah oo gaadhaysa 70 milyan oo doolar.
xoghayaha ganacsiga iyo warshadaha ee xisbiga Waddani Xamse Cabdiraxmaan Khayre ayaa soo bandhigay fashilaadaha dul hoganaya mashruuca biyo balaadhinta Hargeysa, qoraal uu soo saaray ayaanu ku yidhi:-


May be an image of 1 person and text

10 sano oo uu socday iyo $70 milyan oo doolar, mashruuca biyo balaadhinta Hargeysa.

ma ka jawaabayaa suaalahan? Xisbiga Kulmiye wuxuu yimid Hargeysa oo bilaa biyo ah ma ka tegayaa Hargeysa oo biyo ku filan oo nadiif ah haysata.

1. 64% biyo qasabad ah ma helaan reer Hargeysa, intee baa hoos loo dhigay tiradan oo maanta helay biyo qasabadeed ah oo nadiif ah kuna filan?

2. Imisa degmo oo aan hore biyaha wakaalada u helin jirin baa hadda biyaha gaadhsiiyay? iyada oo aanay waayin kuwii hore u heli jiray.

3.Dhuuntii biyaha ka keenaysay Geedeeble ee cusbayd ma hawl gashay?

4. Shan (5) Kayd oo cusub oo biyaha ah oo laga dhisayay qaybaha kala duwan ee Hargeysa maxaa dhamaaday?

5 Laba iyo toban (12) Ceel oo cusub oo lagu kordhinayay biyaha Horahaadley iyo Geed-deeble imisaa lagu guulaystay oo hadda shaqaynaya?

6. Muxuu maanta madaxwaynuhu xadhiga ka jarayaa? Waa se markii imisaad ee barkadaa uu maanta xadhiga ka jarayo hore looga jaray?

Jawaabaha suaalahan shanta ah ayaa sheegaya guusha iyo guuldarrada biyo balaadhinta Hargeysa.

Loading...
Loading...