Guddoomiye Aadan Madoobe oo Warbixin laga siiyay kiiskii badda Soomaaliya iyo Kenya

0
Tuesday October 11, 2022 - 10:40:49 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 844
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiye Aadan Madoobe oo Warbixin laga siiyay kiiskii badda Soomaaliya iyo Kenya

    idoo kale Gudoomiyaha ayaa warbixin laga siiyey kiiskii badda Soomaaliya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

idoo kale Gudoomiyaha ayaa warbixin laga siiyey kiiskii badda Soomaaliya



Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) isagoo weli ku jira booqashadiisa magaalada The Hague ee dalka Netherlands ayaa waxaa uu kulan muhiim ah la qaatay Madaxweynaha Maxkamadda Cadaaladda Adduunka ICJ. Marwo Joan E. Donoghue.


Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS, ayaa waxaa xarunta Maxkamadda Cadaaladda Adduunka ICJ, ku soo dhoweeyey Madaxweynaha Maxkamadda Marwo Joan E. Donoghue. Iyadoo la qaadatay kulan isbarasho iyo is xogwareysi ku aaddan sidii Soomaaliya loogu faaideyn lahaa shaqada garsoorka,.



 

Sidoo kale Gudoomiyaha ayaa warbixin laga siiyey kiiskii badda Soomaaliya iyo Kenya oo Baarlamaanka KMG ah diideen xiligii uu gudoomiyaha ahaa, kiiskaas oo Soomaaliya loo xukmiyay iyo qaabka ay u shaqeyso maxkamadda iyo taariikhdeeda.


Ugu dambeyn Guddoomiye Sheekh Aadan iyo wafdigiisa ayaa Marwo Joan E. Donoghue oo ah Madaxweynaha Maxkamadda ICJ, uga mahadceliyey soo dhoweynta ballaaran ee loo sameeyey ayaa xusay in maxkamadda ay gacan ka geeysato sidii loo tayeyn-lahaa adeegyaadda garsoorka dalka.

Loading...
Loading...