Taliye Cusub oo loo Magacaabay qeybta Booliska Gobolka Banaadir

0
Tuesday October 11, 2022 - 10:39:10 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 957
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliye Cusub oo loo Magacaabay qeybta Booliska Gobolka Banaadir

    Taliye Mahdi ayaa Shaqooyin kala duwan kasoo qabtay Hay'adaha Amniga dalka,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliye Mahdi ayaa Shaqooyin kala duwan kasoo qabtay Hay'adaha Amniga dalka,



Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa maanta Taliyaha Qaybta Guud ee Boolisk

a Gobolka Banaadir iyo fadhiyada hoos yimaadda u magacaabay G/le Sare Mahdi Cumar Muumin.


G/le Sare Mahdi Cumar Muumin ayaa bedelaya Taliyihii hore ee qeybta booliska Gobolka Banaadir Farxaan Qaroole oo 30-kii Bishii September lagu dilay qarax ka dhacay degaanka Basra ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.



 

Taliye Mahdi ayaa Shaqooyin kala duwan kasoo qabtay Hay’adaha Amniga dalka, isaga oo mar soo noqday Taliyaha Arrimaha Bulshada Hay’adda Nabadsugidda Soomaaliya ee NISA iyo xilalka kale.


Sidoo kale Taliyaha cusub ee qeybta Booliska gobolka Banaadir Gaashaanle Mahdi ayaa hadda ahaa Taliyaha Hay’adda Nabadsugidda NISA qeybteeda deegaannada Galmudug.

Loading...
Loading...