Sarkaal Sare Oo Maraykan Ah Oo Dalkiisa Ugu Baaqay In Uu Joojiyo Iskaashiga Uu La Leeyahay Sucuudiga

0
Tuesday October 11, 2022 - 08:48:28 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 909
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sarkaal Sare Oo Maraykan Ah Oo Dalkiisa Ugu Baaqay In Uu Joojiyo Iskaashiga Uu La Leeyahay Sucuudiga

    "inaanu taageeri doonin nooc kasta oo ah, iskaashi lala yeesho Riyadh"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"inaanu taageeri doonin nooc kasta oo ah, iskaashi lala yeesho Riyadh"



Guddoomiyaha Guddida Arrimaha Debedda ee Golaha Senateka Maraykanka, Robert Menendez ayaa Isniintii ku baaqay in la hakiyo dhammaan iskaashiga Maraykanku uu la leeyahay dalka Sucuudiga, isaga oo si adag u muujinayey, sida Maraykanku uu uga cadhooday tallaabadii uu Sucuudigu qaaday, ee fursadda dhaqaale siinaysay dalka Ruushka.

 

Bayaan uu soo saaray Senator Menendez ayuu ku baaqay inaan wax hub ah laga iibin dalka Sucuudiga, isla markaana in la joojiyo iskaashiga amni ee ka dhexeeya labada dal, marka laga reebo arrimaha lagama maarmaanka u ah danaha Maraykanka iyo difaaca amniga qaranka. Maraykanka iyo Sucuudiga ayaa in ka badan 70 sannadood ah waxaa ka dhexeeya iskaashi dhinaca amniga ah iyo weliba heshiis dhinaca ganacsiga hubka ah.

 

Guddoomiyaha guddida arrimaha debedda ee golaha Senate-ka Menendez, ayaa ka tirsan xisbiga Dimoqraadiga, waxaana laga soo doortaa gobolka New Jersey. Wuxuu wacad ku maray "inaanu taageeri doonin nooc kasta oo ah, iskaashi lala yeesho Riyadh, illaa inta uu Sucuudigu dib uga qiimaynayo mowqifkooda ku saabsan dagaalka Ukrine” wuxuuna hadalkiisa sii raaciyey "intaas ayaa nagu filan”

Hadalka Senatorka ayaa ku soo beegmaya, iyada oo afar maalmood ka hor uu ururka ay ku bahoobeen dalalka soo saara saliida ee OPEC+ oo ay hoggaaminayeen Sucuudiga iyo Ruushku ay ku heshiiyeen in la dhimo illaa 2 milyan oo foosto maalintii shidaalka ay soo saaraan.

 

Tallaabadan hoos loogu dhigayo wax soo saarka shidaalka ayaa waxay keenaysaa, in qiimaha shidaalku uu cirka isku shareero, taas oo keenaysa in dalka Ruushku inuu shidaalkiisa ku iibiyo qiime sarreeya. Macaashka uu ka helo shidaalkaasina, uu ka caawiyo madaxweyne Putin, inuu helo dhaqaale uu ku bixiyo, dagaalka uu ka wado dalka Ukraine.

 

Sidoo kale hoos u dhigista wax soo saarka shidaalka ayaa dhaawacaysa dedaalada uu wado isbahaysiga uu hoggaaminayo dalka Maraykanku, kuwaas oo doonaya, inay curyaamiyaan dhaqaalaha Ruushka, si aanu u sii awoodin inuu sii wado dagaalka Ukraine, iyada oo dhinaca kalena halis gelinaysa, siyaasadaha madaxweyne Joe Biden iyo xisbigiisa, haddii qiimaha shidaalku uu sare kaco, xilli dalka Maraykanku uu bisha soo socota u dareerayo doorashada xilliga dhexe.

 

VOA


Loading...
Loading...