Tahriibeyaal Soomaali Ah Oo Ku Dhintay Badda Giriigga

0
Tuesday October 11, 2022 - 08:41:46 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 783
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Tahriibeyaal Soomaali Ah Oo Ku Dhintay Badda Giriigga

    "Tirada dadka ka badbaaday shilka ayaa lagu qiyaasay 15 ilaa 6 qof"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Tirada dadka ka badbaaday shilka ayaa lagu qiyaasay 15 ilaa 6 qof"


Ugu yaraan 22 qof oo Soomaali ah oo u badan dumar ayaa lagu soo warramayaa inay ku dhinteen xeebta dalka Giriigga, kaddib markii ay qallibantay doon ay saarnaayeen.

 

Dadka dhintay ayaa u badan gabdho da’dooda lagu qiyaasay inta u dhaxeysa labaatan ilaa soddon iyo afar sano jir.

 

Meydadka la helay waxaa sidoo kale ku jira wiil dhallinyaro ah oo da’adiisa lagu qiyaasay 15 sano jir iyo nin oday ah.

 

Doonta qallibantay waxaa la socday muhaajiriin isugu jira Soomaali iyo ajaaniib. Waxay ka soo baxday dalka Turkiga, gaar ahaan gobolka Izir, waxayna ku sii jeedday Giriigga.

Jaaliyadda Soomaalida ee Giriigga ayaa noo xaqiijisay in shilka uu dhacay Khamiistii, isla markaana ay la soo xiriireen ehelada dadkii ku dhintay shilkaas.

 

Waxa ay intaas ku dareen in meydadka lagu hayo jasiirad ku taalla Giriigga, isla markaana uu maamulka halkaas ka jira amray in la helo eheladooda inta aan la aasin ka hor.

 

Tirada dadka ka badbaaday shilka ayaa lagu qiyaasay 15 ilaa 6 qof, kuwaas oo lagu hayo xero jasiiradda ku taalla.

 

Maxaa sababay shilka dooonta?

"Markii ay doonta sidday muhaajiriinta u soo dhowaatay xeebta Giriigga, ayay raggii ka boodeen oo ay isku tuureen badda si ay berriga u tagaan, waxaana ku soo haray gabdhaha oo keliya. Intii saarnaydna hal dhinac ayay u bateen, taas oo sababtay in culeyska doonta uu dhinac u bato, sidaasna ay ku qallibanto,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cali Xaaji (Sokor), oo ka mid ah xubnaha jaaliyadda Soomaalida ee Giriigga oo wareysi siiyay BBC Soomaali.

 

Waxaa lagu soo warramayaa in la aqoonsaday qaar ka tirsan meydadka.

 

Shuruudaha looga baahan yahay ehelada iyo qaraabada

"Ehelada iyo qaraabada waxaa la eegayaa xiriirka kala dhaxeeya qofka dhintay, waxaana la doonayaa qof aad ugu dhow qofka dhintay,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cali.

 

"Dadka qaar ee aan wadan dukumiintiyada rasmiga ah ee halkan soo gaaray, waxaa la weydiistay in laga qaado dheecaanka hidde-sidaha ah ee DNA," ayuu sii raaciyay.

 

Sanadkii 2016, waxaa la gaaray heshiis uu Turkigu ku oggolaanayo inuu joojiyo in muhaajiriinta uu u oggolaado inay galaan Yurub, taas beddelkeedana loogu deeqo dhaqaale uu ku maamulo qaxootiga badan ee dalkaas tagaya.

 

Bishii Febaraayo ee sanadkan 2022, shan qof oo Soomaali ah ayaa qabow ugu dhimatay xadka Turkiga iyo Giriigga.

 

Tirada tahriibeyaashaas waxay ahayd 12 qof.

 

Turkiga ayaa ku eedeeyay saraakiisha xudduudaha ee dalka Giriigga in ay tahriibeyaashaasi dib ugu soo celiyeen xudduudda, taas oo sababtay in ay qabow u dhintaan.

 

Giriigga ayaa isna dhankiisa ku gacan seyray eedeymahaas.

Labada waddan ee ku yaalla badda Mediterranean-ka, ayaa marar badan isku maan-dhaafay xaaladda muhaajiriinta ka soo talaabaysa xudduudaha dhanka dhulka iyo badda ee ay wadaagaan.

 

Giriigga ayaa marin u ah qaxootiga iyo muhaajiriinta ku wajahan qaaradda Yurub.

 

BBC


Loading...
Loading...