Xisbiga Waddani Oo Ka Hadlay Baahida Waxbarasho Ee Kajirta Degmada Oog

0
Monday October 10, 2022 - 12:04:27 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 926
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xisbiga Waddani Oo Ka Hadlay Baahida Waxbarasho Ee Kajirta Degmada Oog

    "Xukuumadda KULMIYE waxaanu ugu baaqaynaa Xisbi WADDANI ahaan"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Xukuumadda KULMIYE waxaanu ugu baaqaynaa Xisbi WADDANI ahaan"


Hargaysa (HWN) Xisbiga Waddani ayaa ka hadlay Baahida waxbarasho ee kajirta degmada Oog, waxaanu xisbigu usoo jeediyay xukuumada inay wax ka qabato baahida baahida waxbarasho ee ka jirta degmada Oog.

 

Degmada Oog ?

Dugsiga sare ee Degmada Oog waa 4 qol iyo Office bilaa deyr ah, waxa dhigta 120 Arday oo u badan ubadaka Ciidanka Qaranka Jiidda, Bishii waxa laga qaada Ardeyda $13 waxa dhiga 5 Macallin oo 3 ka mid ahi Gunnaysan yihiin, Macalliminta qaar waxay dhigaan 2-3 Maaddo baahida Macallin la’aaneed awgeed. Oog muddo 24 sano ah waxay saldhig u ahayd Ciidanada Qaranka Somaliland.

 

Xukuumadda KULMIYE  waxaanu ugu baaqaynaa Xisbi WADDANI ahaan.

1)     In si degdeg ah dugsi waxbarasho ugu dhisto ardaydaa sariibada waxku baranaysa

2)     In dayactirto dugsiga sare ee degmada Oog sidookale deyr ku wareejiso dugsiga kaasoo muhiim u ah amaanka iyo privacy-ga ardayda.

 

3)     In degdeg u dayactirto oo dhisto dhismaha uu dumiyey roobku ee xanaanada degmada iyo dhakhtarka ciidama oo labbaduba uu roob dumiyey ilaa iminkana aanay wax dedaal ah ka gelin dowladu.

 

4)     Si gaar ah dadka deegaanka waxaanu ugu baaqaynaa xildhibaano, qurbojoog iyo qolqol joogna inay xukuumada kula xisaabtamaan baahiyaha aan indhaha laga qarsan karin ee degmadaas ka jira.

 

 

Maxamed Siddiiq Dhamme

 

 

 


Loading...
Loading...