Hogaanka Xisbiga Waddani Oo Xabsiga Ku Booqday Masuuliyiin Ka Xidhan

0
Monday October 10, 2022 - 11:57:28 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 932
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hogaanka Xisbiga Waddani Oo Xabsiga Ku Booqday Masuuliyiin Ka Xidhan

    Weftiga Xabsiga dhexe booqday ayaa Siyaasiyiintan ka xog warreystay xaaladdooda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Weftiga Xabsiga dhexe booqday ayaa Siyaasiyiintan ka xog warreystay xaaladdooda



Hargaysa (HWN) Musharraxa Madaxweyne ee Xisbigga WADDANI Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro iyo Guddoomiyaha Xisbiga Mudane Xirsi Cali xaaji Xasan oo ay wehelinayaan Mas'uuliyiin sarsare ayaa Xabsiga weyn ee Caasimadda Hargeisa ku booqday Mas'uuliyiin iyo tageerayaal Xisbiga WADDANI ka tirsan oo ku xidhan Xabsiga weyn.

 

Siyaasiyiinta ku xidhan Xabsiga weyn iyo tageerayaasha ayaa ay ka mid yihiin, Mudane Mawliid Kayse,Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex ee Xisbiga ,Xoghayaha Dhallinyaradda iyo Ciyaaraha Muddane Yuusuf Tadhase, iyo saraakiil ka tirsan Golaha Dhexe iyo taageerayaal oo ay ka mid yihiin Mukhtaar Mingiste, Yuusuf Cali , Xasan Asad, Maxamed Beddel,Maxamed Khayre iyo Cabdalle Gaaxnuug.

 

Weftiga Xabsiga dhexe booqday ayaa Siyaasiyiintan ka xog warreystay xaaladdooda nololeed iyo duruufaha ku gedaaman xadhigooda, isla markaana ugu warramay Xaaladda Siyaasadeed ee dalka.


Loading...
Loading...