Jabhada Hubaysan Ee Ka Soo Horjeeda Dawlada Jabuuti Oo Weerar Ku Dishay 7 Askari Iyo Dawlada Oo Ka Hadashay

0
Monday October 10, 2022 - 07:19:14 in News by Abdi Good
  • Visits: 1219
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jabhada Hubaysan Ee Ka Soo Horjeeda Dawlada Jabuuti Oo Weerar Ku Dishay 7 Askari Iyo Dawlada Oo Ka Hadashay

    Jabhada Hubaysan Ee Ka Soo Horjeeda Dawlada Jabuuti Oo Weerar Ku Dishay 7 Askari Iyo Dawlada Oo Ka Hadashay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Jabhada Hubaysan Ee Ka Soo Horjeeda Dawlada Jabuuti Oo Weerar Ku Dishay 7 Askari Iyo Dawlada Oo Ka Hadashay
May be an image of 1 person and mountain



Maxay tahay kooxda askarta ku leysay gudaha Jabuuti?

Qeyb kamid ah mucaaradka dalka Jabuuti ayaa ku baaqday in la dejiyo xaaladda, kaddib markii garabka hubaysan ee fallaagada Front for the Restoration of Unity and Democracy (FRUD) ay Jimcihii askar ku laayeen saldhig ku yaalla waqooyiga dalkaas. Wasaaradda gaashaandhigga ee Jabuuti ayaa sheegtay in weerarkaas lagu dilay 7 askari, islamarkaana ay baadigoobayso lix kale oo lagu waayay weerarka.
Jabhadda FRUD ayaa dagaal ka dhan ah xukuumadda dalkaas billowday 30 sano ka hor.

Mucaaradka baaqa soo saaray waxaa kamid ah xisbiga RAAD oo uu guddoomiye u yahay Cabdiraxmaan Maxamed Geelle ahna duqii hore ee caasimadda Jabuuti.

Waxa uu BBC-da u sheegay in ay ka xun yihiin dagaallada iyo dhimashada meesha ka dhacay: "Ma jeclin in [dalkeenna] uu wax qalalaase ah ka dhaco oo uu dhiig ku daato.

Maxay tahay fallaagada FRUD?

Waxaa la aasaasay 1991-dii, waxaana la sheegay in loo aasaasay danaha dadka Canfarta ah ee ku nool dalka Jabuuti.
Jabhadda ayaa waxaa la sheegaa inay haysato taageerayaal ku nool dalka dibaddiisa.

Sannadkii 1994, kooxdu waxay u kala jabtay laba garab: garab qunyar socod ah oo uu hoggaaminayay Cali Maxamed Daa’uud, kaas oo heshiis nabadeed 26 December 1994 dowladda kula saxiixday magaalada Adiis Ababa, halka garabkii kale ee uu hoggaaminayay Axmed Diini Axmed uu ku gacan sayray heshiiskaas, kaas oo sii ahaa mid hubeysan oo ku dhawaaqay iska caabin.

Khalalaasihii dhacay sannadkii 1994 waxaa la sheegay in ay ku dhinteen ku dhawaad 1,000 qof.

Ka dib waxa billowday kacdoon cusub oo ka dhan ah dowladda Jabuuti, iyada oo jabhadda lagu eedeynayay in ay taageero hub ka helaysay Ereteriya si ay u gooyaan marinnada saadka ee Jabuuti ilaa Itoobiya oo aan bad lahayn, gaar ahaan intii uu socday dagaalkii Eritera iyo Itoobiya. Kacdoonkaas waxa uu sababay dhimashada 100 qof.

"Bishii Maajo 2001, koooxdii ka goosatay FRUD waxay heshiis nabadeed la saxiixatay dowladda balse koox saddexaad oo heshiiskaas ka hartay ayaa hadana sii wadda dagaalka ay leeyihiin waxaan ku rabnaa isabadal dimuqraadiyadeed iyo caddaalad," ayuu BBC-da u sheegay Cabdiraxmaan Maxamed Geelle.

"Waxay ila tahay jabhaddan aysan ku qanacsanayn heshiiskii dowladda ay la galeen kooxihii kale ee ay ka goosteen si la mid ah heshiiskii siyaasadeed ee aan annagu dowladda la galnay ee aannu ugu qanacsanayn oo runtii ay nagaga baxday," ayuu sii raaciyay.



Loading...
Loading...