Dawlada Soomaaliya Oo Nin Khabiir Ah U Kiraysatay Sidii Loo Joojin Lahaa Heshiiska Iskaashi Ee Somaliland Iyo Maraykanka

0
Monday October 10, 2022 - 07:15:27 in News by Abdi Good
  • Visits: 2740
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dawlada Soomaaliya Oo Nin Khabiir Ah U Kiraysatay Sidii Loo Joojin Lahaa Heshiiska Iskaashi Ee Somaliland Iyo Maraykanka

    Dawlada Soomaaliya Oo Nin Khabiir Ah U Kiraysatay Sidii Loo Joojin Lahaa Heshiiska Iskaashi Ee Somaliland Iyo Maraykanka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dawlada Soomaaliya Oo Nin Khabiir Ah U Kiraysatay Sidii Loo Joojin Lahaa Heshiiska Iskaashi Ee Somaliland Iyo Maraykanka
May be an image of 2 people and text that says 'Von Batten-Montague-York L.C. @batten_von Oct 4 In Africa, we do not support changing established borders. That would be opening Pandora S box. H.E. Abubaker Jeje Odongo, Uganda' S Minister of Foreign Affairs at the Heritage Foundation @Heritage.'



Maxaad ka ogtahay ninka Somalia ku kireysatay lacagta badan, si uu u carqaladeeyo Xeerka Iskaashiga Somaliland iyo Mareykanka ee Barlamaanka Dalkaasu ka shaqaynayo?

Dawladda Somalia ee uu hoggaamiyo Xasan Sheekh Maxamuud iyo Jaaliyadda reer Somalia ee Midnimadu madax martay, ayaa nin Mareykan ah u kireystay, lacag badana ku siiyey sidii uu kaga shaqayn lahaa in la joojiyo heshiiska Iskaashi ee Mareykanka iyo Somaliland, kaas oo weli aan dhamaystirayn.
Ninkan oo ah khabiir ku shaqaysta la talinta iyo u ololeynta arrimaha ay doonayaan Dawladdaha adduunka ee kaga xidhan Dawladda Mareykanka, ayaa bilaabay muddooyinkii u dambeeyey sidii isaga koox la shaqaysaa ay tashuush ugu fuli lahaayeen, isla markaana olole kale oo lagu diiday yahay Iskaashiga Somaliland iyo Mareykanka uu hir gelo, isaga oo ku shaqaynaya siyaasadda Somalia ee ah in aan la kala go’yn Karin Somalia.

Ninkan oo galaan-gal kala duwan la samaynayey Xildhibaannada Baarlamaanka Mareykanka iyo dadka saameynta ku leh Siyaasadda Mareykanka, ayaa waxa uu dhaqdhaqaaqyadaasi dhinac waday warar dacaayado ah oo ka dhan ah Somaliland, kuwaas oo uu u sawirayey Mareykanka in aanay Somaliland ahayn meel xoriyad iyo dimuqraadiyadi ka jirto, isaga oo tusaale u soo qaadanayey qaabkii loola dhaqmay Mudaharaadayaashii u dambeeyey, xadhigga Saxaafadda iyo siyaasiyiinta.

"Waxa aanu helnay hubin kama dambays ah oo sheegaya in aan S.3861- Xeerka Iskaashiga Somaliland iyo Mareykanku aanu sharci noqon doonin. Waxaan hadda diiradda saareynaa in aan wax ka beddelno ama xanibno” Ayuu ku yidhi qoraal uu ku baahiyey bartiisa Twiter-ka Von Batten-Montague.

No photo description available.


Loading...
Loading...