Nuxurka Kulan Dhexmaray Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Iyo Safiirka Ingiriiska U Qaabilsan Soomaaliya

0
Monday October 10, 2022 - 07:10:19 in News by Abdi Good
  • Visits: 1090
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Nuxurka Kulan Dhexmaray Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Iyo Safiirka Ingiriiska U Qaabilsan Soomaaliya

    Nuxurka Kulan Dhexmaray Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Iyo Safiirka Ingiriiska U Qaabilsan Soomaaliya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Nuxurka Kulan Dhexmaray Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Iyo Safiirka Ingiriiska U Qaabilsan Soomaaliya
May be an image of 6 people, people standing and indoor



Guddoomiyaha Golaha Wakiillada JSL Mudane Cabdirisaaq Khaliif Axmed ayaa kulan kula qaatay Xarunta Baarlamaanka Safiirka Dalka Ingriiska Kate Foster,
kulankan waxa ku wehelinayay Gudoomiyaha Lataliyaha Arimaha debeda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Gudoomiyaha Md. Xasan Xiis
Kulankan ayaa ujeedkiisu daaranaa xaalada uu dalku haatan maraayo.

Gudoomiyaha ayaa Safiir Kate Foster warbixin guud ka siiyey Xaalada dalka sidoo kalena u muujiyey sida ay ka gole ahaan marwalba diyaar ugu yihiin in ay qayb ka noqdaan xalinta khilaafaadka hada taagan.

Waxaa uu dhanka kale gudoomiyuhu usheegay safiirka in ay Somaliland ku caano maashay xalinta khilaafyadda yimaada maadaama dalka Somaliland uu yahay dal nabdoon oo xasiloon.

Safiir Kate ayaa iyaduna Gudoomiyaha uga mahadnaqday wadashaqaynta iyo xidhiidhka dhaw ee mar walba ka gole ahaan ay ula shaqeeyaan. Kulankan oo muddo socday ayaa isfaham iyo in kor loo sii qaado xidhiidhka labada dhinac la isku'a gartay

Loading...
Loading...