Somaliland: 31 Sanno Ka Dib Arday Saribad Dhexdeed Wax Ku Barata, Markii Ay Waayeen Dugsi Ay Fadhiistaan.
Arday gaadhaysa 400
Arday oo ku nool degmada Oog ee Gobolka Saraar ee Somaliland, ayaa wax ku barta
Saribada Magaaladaasi, ka dib markii ay waayeen meel ay wax ku bartaan oo
fadhiistaan.
Ardaydan oo u badan
ubadka ay dhaleen Ciidanka qaranka ee Jiiddaha hore ku sugan, ayaa markii ay
waayeen goob waxbarasho oo ay wax ku dhigtaan, ayaa Haweenkii ku ganacsan jiray
Saribadaasi u baneeyeen halkaasi si Ardayda wax loogu baro.
"16 sanno ayaanu
Saribadan Ardayda wax ku baraynay, laba sanno balli biyuhu fadhiistaan ayaanu
wax ugu dhex dhigi jirnay” ayey tidhi Hooyo macallimad u ah ardaydan Saribada
wax ku dhigata
"Waxaan ka mid ahay
askarta Jidda hore, halkan arday ayaa ii dhigta, waad aragtaa qadiifado ayey ku
fadhiyaan, waa Shan arday mushaharka aan qaato Iskuulkan ayaan wax bixiyaa”
Ayuu yidhi Askari ka mid ah Ciidanka Qaranka ee Jiiddaha hore jooga.
Ardaydan, ayaa marka ay
Imtixaanka u fadhiisanayaan waxa ay fadhiistaan waddooyinka iyaga oo dhagaxaan
ku fadhiista.
![No description available.](https://scontent-frt3-1.xx.fbcdn.net/v/t1.15752-9/311044859_455483146679626_5335115134730370104_n.jpg?_nc_cat=107&ccb=1-7&_nc_sid=ae9488&_nc_ohc=GebPB_CAcVMAX-RyhOb&_nc_ht=scontent-frt3-1.xx&oh=03_AVKkQFz2vFPU-UEr0USpk6iY8Z-whJ6BdjqjSvBSBpxb-A&oe=6368F34D)
![No description available.](https://scontent-frx5-1.xx.fbcdn.net/v/t1.15752-9/310975400_815379389705826_5266504143692470325_n.jpg?_nc_cat=110&ccb=1-7&_nc_sid=ae9488&_nc_ohc=xAimsMBCUjcAX-AgJAO&tn=g-U9-dayJy8aDkqo&_nc_ht=scontent-frx5-1.xx&oh=03_AVJ6OaXtTRmKHRgAD8DHomImajXV7YV-giPp0ow5xpZapQ&oe=63670EE2)