Khasaaraha Ay Somaliland Ukeentay Muddo Kordhinta Loo Sameeyay Muuse Biixi
Tacabka Muuse Biixi!
Dadalada ilaa hadda uu
Muuse sameeyay ee "horumarinta” Somaliland, iyo "ilaalinta” sharciyada
waddanku, natiijo muuqata ayaa ka soo baxday, waxaanan ku soo ururiyay lix dan
qodob:
1 – In baarlamaanka
Maraykan ay joojiyaan hanaankii la gu meel marin lahaa sharcigii is kaashiga
Maraykan iyo Somaliland, ka dib markii looyarro u dhaqdhaqaaqa dimuquraadiyadda
iyo xuquuqda aadamuhu ay si faahfaahsan u gu sharaxeen sida dugaagnimada ah ee bilayska
iyo askarta dharcadda ah ee sirdoonku ay rasaasta nool u la dhaceen shacbigii
mudaharadaayay; iyo in boqolaal dad ah jeelasha loo gu guray sabab la’aan iyo
maxkamad la’aan. Looyarada ololahan wada ee Washington degen waxa uu
baarlamanku u xaqiijiyay in aan sharcigaas la meel marinayn, iyo in luqadda uu
ku qoranyahay xoog loo khafiifiyo. Taas tacabkeeda iyo mahaddeeda oo dhan waxa
leh Muuse-barkhadle, Madaxweynaha sharciga ku adag.
2 – Mr. Michael Rubin,
oo ah cilmi-baadhe galangal ka ku shaqaysta (lobbyist) oo fadhigiisu America
yahay, Taliska Muuse na lacag ka ga qaata shaqooyin aanay muhiimaddoodu
caddayn, ayaa isaga oo ay xataa jeebabku u buuxaan, hadana sida muuqata xamili
waayay dhaqanka Muuse, waxaanu shalay baahiyay qormo la gu faafiyay mareegta
Machadka daraasaadka ee American Enterprise. Qormadaas waxa uu cinwaan u ga
dhigay, Somaliland waxa ay halis gelinaysaa maqaamkeedii akhlaaqeed -
Somaliland Risks Its Moral High Ground. In kasta oo Michael uu ku dadaalay in
uu aad u ga mastuurto ninka lacagta siiya, oo eedihiisa na uu dadka kale la
wadaajiyay, hadana mid uu sinaba Muuse u ga leexan kari waayay ayaa jirtay.
Muddo-kordhin laba sanno ah, iyo doorashadii madaxtooyada oo la dhaafiyo inta
ay Gudiga Doorashooyinku codsadeen ayuu ku tilmaamay mid khasaare dhab ah
Somaliland u keenaysa, oo aan sinaba loo micnayn karayn. Somaliland doorasho
iyo dimuquraadiyayd ayay gadaysay, hadii taasi Meesha ka baxdo na, waxa Meesha
ka muuqanaaya uun, ayuu yidhi, nin kale oo kelitaliye ah (Another african strongman), taas oo dhab
u dilaysa fursadaha Somaliland. Imika, Mr Michael waa in loo sheego in uu qaran
dumis yahay, oo Waddani iyo Muqdisho ka dambayso.
3 – Dawladaha
Reer-galbeed oo Maraykan iyo Midowga Yurub ba ku jiraan, ayaa shalay walaac ka
muujiyay ku tumushada sharciga Somaliland ee Muuse uu wado, iyo
muddo-kordhisashada aan sharciga iyo caqliga toona waafaqsanayn ee uu
samaystay, iyo iyaka oo ku baaqay in loo soo noqdo mudadii ay asteeyeen Gudiga
Qaran ee Doorashadu, dhakhso na loo abuuro heshiis doorashooyinka ku saabsan oo
la is la ogolyahay. Laakiin sida ay ku jawaabeen taagerayaasha Muuse,
Somaliland Reer-galbeedku ma xukumo, hadalkoodu na micno ma laha. Ninkii
hadlayaa ha is ka hadlo weeye micnuhu.
4 – Qurbejoogga
Reer-Somaliland oo ay mar walba saamayn ku leedahay waxa gudaha ka socda, oo si
joogto ah isu abaabulaaya, wadamada ay ku dhaqanyihiin oo Maraykan u horeeyo na
joogto u gu faahfaahinaaya ku tumushada shuruucda wadanka iyo dhaqamada
kelitalisnimada ah ee dib u abuurmay. Taladii Suldaan Muuse iyo, tacabkii
Maygaag dheh – halkan ‘Maygaag’ waxa ah Saleebaan-gaal.
5 – Ganacsatada iyo
bangiyada wadanka ka jira ee gaarka loo leeyahay, oo joojiyay in ay sameeyaan
maalgelin amaba ay bixiyaan daymo hor leh, iyaka oo dareemaaya hubaal la’aan
mustaqbalka ah. June 2022 ayay u gu yaraan laba ka mid ah bangiyada iyo
ganacsatada qaarkood ee Somaliland ii xaqiijiyeen in ay wax walba hakad
geliyeen, xaalka na ay isha ku hayaan. Ganacsatada midkood, oo weliba ah kuwa
xukuumadda ku dhowi waxa uu I gu yidhi, Somaliland waa ka dhaceen waxyaabihii
xabadda ka horeeyay oo dhami.
6 – Waxa uu dhaawac
weyni gaadhay midnimada iyo wadajirka dadweynaha Somaliland, kaas oo hore ba u
jiray, imika na sii xumaaday. Ku tumasho sharci, xabsi aan loo aabo yeelin, eex
iyo qaraabo kiil, sicir barar iyo kelitalisnimo badheedh ah ayaa dhalisay
niyadjab aad u daran oo aan Somaliland tu la jaad ah hore loo gu arkin, xataa
in la rumaystaa na ay adagtahay. Tusaale ahaan, wiil liinta iibiya oo loo
xidhay keliya in uu joojiyay in uu beerta Muuse macmiil u ahaado, oo meel kale
liintii ka iibsaday, Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka oo aan xasaanaddii la ga
qaadin, oo loo xidhay in uu hadlay, liisas la gu ururiyay dad ay tahay in la
xidhxidho oo is ku wada hayb ah, dad dhulalkooda iyo guryahooda xoog lagaga
qaaday, xabad na loo gu daray dhinaca Galbeed ee magaalada Hargeysa, dhalinyaro
sirdoonka ka tirsan oo suuqyada dadka ku caydhsada, mararka qarkoodna xabadeeya
cidda ay doonaan, iwm! Intaasi waa in aad u yar, oo aan boqolkii hal na ka
ahayn foolxumooyinka Somaliland ka socda.
Intaas oo dhan oo
jirta, oo wadaa xaqiiqo ah, Muuse iyo in yar oo raacsani waxa ay si xishood
la’aan ah u gu doodaan, in wax waliba saxanyihiin, dhulka na nimco fadhido. Qof
kasta oo sheega in ay wax qaldanyihiin, hadii aanu Muuse la reer ahayn waxa loo
gu jawaabaa cuqdad iyo reer nacayb baa kaa hadlinaaya, hadii uu Muuse la reer
yahay na, waxa la gu yidhaahdaa, cadow iyo shisheeye kalkaal baad tahay. Besba.
W/Q Maxamed Haaruun
Biixi