Soomaaliya Oo Shaacisay Gole Ay Leeyihiin Wadamada Afrika Oo Ay Xubinimadeedii Ka Heshay
Muqdisho(HWN):-Dawlada federaalka ah ee soomaaliya ayaa shaacisay gole wadamada Afrika leeyihiin oo ay xubin buuxda ka noqotay.
Gudoomiyaha maxkamada sare ee soomaaliya garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed ayaa si rasmi ah u sheegay in dawlada Soomaaliya ay xubin buuxda ka noqotay golaha sare ee garsoorka Afrika.

Guddoomiyaha maxkamadda sare ayaa magaalada Luanda ee dalka Angola kaga qayb galayaa shirkii 5aad Golaha Sare ee Garsoorka Afrika oo uu furay Madaxwaynaha Angola, Joã Manuel Gonçalves Lourenceç.
Shirka ayaa lagaga hadlayaa dhawrista dastuurka iyo xuquuqda aasaasiga ah ee aadamaha iyo kaalinta Garsoorka.


Shirkan ayaa ku soo beegmaya xilli wali qaaradda Afrika lagu tilmaamo inaan awood badan la siin garsoorka, balse hadda waxaa socdo dedaallo ay dalalka qaaradda ku doonayaan in la xoojiyo garsoorka.
![]() |


0 






