Maxamed Bin Salmaan Oo Dharbaaxo Siyaasadeed Ku Dhuftay Biden
Madaxweyne Joe Biden
ayaa Khamiistii qirtay inuu guuldarreystay mid ka mid ah khamaar
siyaasadeedkiisii arrimaha dibedda ee ugu weynaa uguna bahdilka badnaa oo ah;
salaan gacan-duubkii uu la yeeshay dhaxal-sugaha Sacuudiga Amiir Maxamed Bin
Salmaan oo lala xiriiriyo xadgudubyo ka dhan xuquuqda aadanaha.
Kulankii yaabka lahaa
ee Biden uu July la yeeshay Maxamed Bin Salmaan ayaa ahaa isku day uu ku
hagaajinayey xiriirka quwadda ugu saameynta badan shidaalka caalamka, xilli
Mareykanka uu raadinayey caawimaad la xiriirta sare u kaca shidaalka ee ka
dhashay duulaanka Ruushka uu ku qaaday Ukraine.
Salaan gacan-duubkaas
dhacay saddex bil kahor waxaa xigay dharbaaxo weji oo toddobaadkan ka timid
Amiir Maxamed, taasi oo ah: dalalka OPEC+ ee shidaalka soo saara iyo Ruushka oo
dhimay wax soo-saarka.
Tallaabadan ayaa sare u
qaadeysa qiimaha shidaalka kana careysiin doonta cod-bixiyayaasha Mareykanka
kahor doorashada dhexe ee Mareykanka ee dhacaysa November, taasi oo wiiqeysa
rajadii Biden iyo Dimoqraadiga.
Mar wax laga weydiiyey
ficillada Sacuudiga, Biden ayaa weriyayaasha u sheegay Khamiistii "Inay aheyd
niyadjab, ayna muujineyso inay dhibaato ka jirto” xiriirka Mareykanka iyo
Sacuudiga.
Xubno Dimoqraadi ah oo
ka tirsan Congress-ka ayaa Mareykanka ugu baaqay Khamiistii inuu joojiyo
siyaasadda tobaneeyada sano jirta ee Mareykanka uu hubka uga iibiyo Sacuudiga,
kuna siiyo ilaalinta militari.
Waxay ku eedeeyeen
Amiir Maxamed inuu isaga joojiyey inuu dhanka Sacuudiga ka ilaaliyo iskaashigan
istaraatiijiga ah ee jiray in ka badan 70 sano.
Xiriirkan ayaa ku
saleysan in Mareykanka uu boqortooyada ka ilaaliyo cadowga dibedda,
islamarkaana Sacuudiga uu suuqyada caalamka siiyo shidaal ku filan si loo
xasiliyo.
Ku-baaqista dhimista
wax soo-saarka shidaalka waa "ficil cadaawad ah”, waxaa sidaas yiri Tom
Malinowski oo ah dimoqraadi ka tirsan Aqalka Wakiilada Mareykanka oo isaga iyo
laba xildhibaan oo kale ay qoreen sharci ku baaqaya in ciidamada Mareykanka iyo
habka difaaca gantaallada laga soo saaro Sacuudiga.
"Waxa Sacuudiga ay
sameeyeen si ay uga caawiyaan Putin inuu sii wado dagaalkiisa laga yaqsiyoodo
ee ka dhanka ah Ukraine waxaa weligeed xusuusan doona dadka Mareykanka,” waxaa
sidaas yiri hoggaamiyaha aqlabiyadda Senate-ka Mareykanka Chuck Schumer.
"Waxaan eegeynaa
dhammaan hababka sharciga ah ee aan kula tacaaleyno ficilkan xun ee daneysiga
ah,” ayuu yiri.
Mareykanka iminka wax
qorshe ah kama lahan inuu shaqaalihiisa militari kala soo baxo Sacuudi
Carabiya, waxaa sidaas yiri afhayeenka Waaxda Arrimaha Dibedda Mareykanka
Vedant Patel.
Congress-ka iyo xubnaha
maamulka Biden ayaa ka falcelinyey dhimis ka badan intii la filayey oo ah laba
milyan oo barmiil maalintii oo wax soo-saarka saliidda cayriin ay ku sameeyeen
dalalka OPEC+ ee ay hoggaamiyaan Sacuudiga iyo Ruushka.
Dhimistan ayaa sare u
qaadi doonta qiimaha shidaalka, waxayna xoojin doontaa dakhliga shidaalka kasoo
gala Ruushka, oo u adeegsanaya dagaalka ka dhanka ah Ukraine, inkasta oo Reer
Galbeedka ay xayiraado saareen.
Wasiirka shidaalka
Sacuudiga Abdulaziz bin Salman, oo ah wiilka ka yar dhaxal-sugaha, ayaa
kulankii OPEC+ ku adkeystay inaysan "cadaawad ku jirin,” tallaabada ay qaadeen.
VOA