SANAAG: Wiil Uu Ku Dumay God Uu Dahab Ka Qodoyay $ Shacabka Oo Isku Dayaya Inay Badbaadiyaan

0
Friday October 07, 2022 - 15:49:05 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1336
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    SANAAG: Wiil Uu Ku Dumay God Uu Dahab Ka Qodoyay $ Shacabka Oo Isku Dayaya Inay Badbaadiyaan

    "Wiilkaasi wuxuu u baahan yahay gurmad hadii Ilaahay u qoray nolol"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Wiilkaasi wuxuu u baahan yahay gurmad hadii Ilaahay u qoray nolol"

 


Hargaysa (HWN) Weli waxa  socda dedaallada shacabka ee lagu doonayo in Godka ku dumay lagaga soo saaro Maxamed Siciid, oo ah Wiil  god Dahabka laga qodo ku dumay Deegaanka Milxo ee gobolka Sanaag.

 

Dadka Deegaanka oo aan weli helin gacan dawladeed ayaa wada in ay soo saaraan Wiilka oo aan ilaa hadda la ogayn geeri iyo nolol.

 

Milxo oo ka tirsan Degmada Laasqoray ee gobolka Sanaag ayaa ka mid ah meelaha Buuralayda ah ee dahabka laga qodo.

 

Waxay  ay Soomaalidu aad u xasuusataa Wiilkii reer Maroco ee dhamaan Warbaahinta caalamka qabsaday si loo  badbaadiyo inkasta oo ay tiisii noqotay.

Wiilkaasi wuxuu u baahan yahay gurmad hadii Ilaahay u qoray nolol.

 


Loading...
Loading...