Faah-faahin Ka Soo Baxaysa Nin Carruur Yaryar Oo Wiilkiisu Ku Jiro Dilay

0
Friday October 07, 2022 - 08:46:18 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1368
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faah-faahin Ka Soo Baxaysa Nin Carruur Yaryar Oo Wiilkiisu Ku Jiro Dilay

    "Intaasi kadib ayuu gaari ku baxsaday, isagoo dhowr qof ku dhuftay xilli uu kusii jeeday hoygiisa"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Intaasi kadib ayuu gaari ku baxsaday, isagoo dhowr qof ku dhuftay xilli uu kusii jeeday hoygiisa"



 

Ugu yaraan 38 qof oo u badan caruur yar yar ayaa nin hubeysan ku dilay dugsi xanaano oo ku yaala waqooyiga Thailand. Dowladda Thailand ayaa sheegtay in xasuuqaasi uu sababay murugo soo wajahday guud ahaan shacabka dalkaasi.

 

Ninkaan oo falkaan ka gaystay magaalada Utthai Sawan ayaa ahaa sarkaal hore oo bilays ah kaas oo laga eryay shaqada waxana uu wajahayay maxkamad ku saabsan eedo la xiriira waxyaabaha maanka-dooriya. Iskuulka weerarku ka dhacay ayaa la sheegay inuu la soo galay qori iyo mindi, wuxuuna si toos ah uweeraray macallimiin iyo carruur goobta ku sugnaa.

 

Intaasi kadib ayuu gaari ku baxsaday, isagoo dhowr qof ku dhuftay xilli uu kusii jeeday hoygiisa, halkaasoo uu ku dilay, xaaskiisa iyo wiil uu dhalay ka hor inta aanu isagu is dilin.

 

Weriye ka tirsan BBC-da oo goobta tagay ayaa sheegay in uu jiro dareen la yaab leh oo ku saabsan waxa ku kalifay ninkaan in uu falkaan gaysto.

 

BBC


Loading...
Loading...