Muran Ka Taagan Qaabka Loo Buuxinayo Kursi Ka Banaan Golaha Wakiilada Iyo Aragtida Sharcigu Qabo
Hargeysa(HWN):-Muran ayaa ka dhashay cida buuxinaysa kursigii golaha wakiilada ee uu baneeyey alle haw naxariistee xildhibaan Cali Sheekh Ibraahim Aareeye oo dhawaan geeriyooday.
Murankan ayaa la xidhiidha qaabka loo buuxinayo kursiga ka banaanaaday golaha wakiilada, iyada oo uu jiraan shuruuc ka taala balse aanay xusayn qaabka hada loo buuxin karo.

Xildhibaan Axmed Cabdi Kaahin(Casood) oo ka mid ah mudanayaasha golaha wakiilada somaliland isla markaana ay isku deegaan ka soo jeedaan xildhibaankii geeriyooday ayaa sheegay inuu jiro sharci ka hadlaya wakhtiga la buuxin karo kursi ka banaanaaday golahaasi.
Xildhibaan Casood ayaa ugu horayn soo bandhigay caqabado hore u qabsaday waxaanu yidhi "Waxa jira qodob sharco oo hore-nan anaga noo qabsaday wakhtigii madaxweyne Cigaal, waxa naga dhintay nin xildhibaan ah doorashada waxa ka hadhsanaa lix bilood, dabadeedna waxa la yidhi lama gali karo.”
Xildhibaan Casood oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey "Imikana waxa jira qodob odhanaya qodob odhanaya haddii ay doorashooyinka ka hadhaan wixii lix bilood ka yar, markaa doorashadii cid maanta galaysaa ma jirto sidaanu qabno, gudoomiyahana waanu u sheegaynaa gudoomiyahana waanu u sheegaynaa inaanay cidi maanta galayn kursigaas, waanan u sheegnay gudoomiyaha qodobkaas laakiin wali kamaanu faaloon.”
Sidoo kale xildhibaan Casood ayaa sheegay inaanay jirin cid deegaankiisa ah oo danaynaysa buuxinta kursigaas "Dadka deegaankayaga ah cid meeshaas u soo hunguroonaysaa ma jirto, aniguna Udub ayaan ahaa oo waxaan badalay nin dhintay mudadana waxa hadhsanaa sanad iyo dheeraad, laakiin haddii ay hadhsan yihiin wixii lix bilood ka yar cidi ma galayso, kuwa u ordaya eel eh anaga ayaa galayna way iska hadlayaan.”
Hadhwanaagnews.com/Office
Hargeysa/Somaliland


0 





