Jawaari Iyo Dadka Caanka Ah Ee La Faafiyay Geeridooda Iyagoo Nool

0
Friday October 07, 2022 - 08:41:08 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1189
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jawaari Iyo Dadka Caanka Ah Ee La Faafiyay Geeridooda Iyagoo Nool

    "Ma aha markii ugu horreysay ee warar noocaan ah laga faafiyo"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Ma aha markii ugu horreysay ee warar noocaan ah laga faafiyo"


Cinwaannada ay dadku ka sameysteen baraha bulshada iyo xarumaha warbaahinta qaar ayaa maanta faafiyay in uu geeriyooday guddoomiyihi hore ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Sheekh Cinwaan Jawaari.

 

Ilo lagu kalsoon yahay oo ay BBC Somali la xiriirtay ayaa beeniyay warka sheegaya geerida Jawaari oo hadda ku sugan dalka Turkiga.

 

Ma aha markii ugu horreysay ee warar noocaan ah laga faafiyo mas’uuliyiin dowladeed, kuwo hore iyo dad caan ka dhex ah Soomaalida.

 

Wararka been-abuurka ah ee lagu faafiyo baraha bulshada ayaa marar badan muujiyay in aan lagu kalsoonaan karin wax kasta. Mararka qaar waxay gaaraan heer ay saameyn yeeshaan.

 

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud

 

Bishii Febaraayo ee sanadkii 2014 ayaa waxaa magaalada Muqdisho iyo magaalooyinka kale ee dalka ku baahday hadal-heynta war soo baxay oo sheegayay in uu geeriyooday madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Warkaas wuxuu ku saabsanaa in madaxweynaha oo xilligaas hoggaaminayay dowladdii ugu horreysay oo aan kumeel-gaar ahayn ayaa gilgilay magaalooyinka waaweyn ee Soomaaliya.

 

Hase yeeshee, markiiba waxaa soo baxday in warkaas uu yahay mid aanu waxba ka jirin.

 

Afhayeenkii Madaxweynaha ee xilligaas Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yariisow) AUN ayaa shaaciyay in madaxweynaha aanu qabin wax dhib ah, caafimadkiisuna uu wanaagsan yahay.

 

Cabdinaasir Macallin Ceydiid

 

Hoobalka caanka ah ku ah garaacista kabanka ee Cabdinaasir Macallin Caydiid ayaa toddobaad ka hor la faafiyay war sheegaya inuu u geeriyooday xanuun.

Warkaas waxaa lagu faafiyay baraha bulshada, taas oo sababtay in xubno qoyskiisa ah iyo saaxiibbadiis ay soo duubaan muuqaallo ay kula jiraan, kuwaas oo ay ku beeninayaan warka geeridiisa, isla markaana ay ugu duceynayaan.

 

Waxaa jiray warar sheegayay in fannaanka oo xanuusan uu ku jiray isbitaal ku yaalla Hargeysa.

 

Luul Jeylaani Cali

 

Luul Jeylaani, oo ku nool magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka ayaa dabayaqaadii bishii Abriil ee sanadkii hore la baahiyay warar sheegaya in inay geeriyootay.

Warkaan ayaa aad baraha bulshada iyo xitaa warbaahinta qaar ee Soomaalida loogu faafiyay, inkastoo markii dambe la sheegay inay nooshahay, warkaasina uu been yahay.

 

Marka laga soo tago baraha bulshada, warbaahinnada caanka ah ee Soomaalida ee baahiyay geerida Luul ayaa markii dambe raalligelin ka bixiyay.

 

Fannaanadda Luul Jeylaani Cali (Luula) ayaa markiiba beenisay wararka been-abuurka ah ee laga faafiyay.

 

Waxay sheegtay in saameyn weyn uu warkaas been-abuurka ah ku yeeshay eheladeeda iyo asxaabteeda ku nool dunida dacalladeeda.

 

Dadka kale ee markii dambe dhintay

 

Dad kale oo caan ah oo ay madax ku jirto ayaa jira, kuwaas oo xilli ay noolaayeen la faafiyay warar sheegaya geeridooda.

 

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Cabdullaahi Yuusuf Axmed, Abwaan Maxamed Ibraahin Warsame (Hadraawi), Cabdi Muriiddi Dheere (Ajakis) iyo dad kale oo badan ayaa xilli ay noolaayeen la faafiyay geeridooda. Laakiin, kaddib ayay dhinteen.

 

BBC


Loading...
Loading...