Qiso_Cajiib ah… W/Q: Zir Abdiwali Ali

0
Wednesday October 05, 2022 - 18:01:01 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1276
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Qiso_Cajiib ah… W/Q: Zir Abdiwali Ali

    Aabe Qoys Danyar ah oo Reer Hargeysa ah oo Ka Waramay Dhacdo_ Ka Yaabisay uu kala Kulamay Mayor Abdikarim Ahmed Mooge

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Aabe Qoys Danyar ah oo Reer Hargeysa ah oo Ka Waramay Dhacdo_ Ka Yaabisay uu kala Kulamay Mayor Abdikarim Ahmed Mooge


Doraad oo maalin Isniina ay Taariikhdu ahayd  3/10/2022 'waxaan aan mid ka mida meherada laga shaaheeyo ee Xaafadda Maxamed Mooge u tegay si aan uga Qaxweeyo.



Ka dib markii aan Kursi meherada yaalay ku fadhiistay waxa dhegta iga soo duushay Sheeko uu Nin oday Qiyaastii ilaa 60 jir aan is idhi dadiisu way ahayd oo meel dhinacayga ah dhawr nin oo kale oo Miis ii dhaw la fadhiya uga sheekaynaya Qiso uu 2ba Todobaad ka hor Mar uu Dowladda hoose muraad u tegay kala kulmay Duqa golaha deegaanka Hargeysa Cabdikariin Axmed Mooge.


Ka dib Shaahaygii anigu iska dalbaday oo sheekadii Ninka odayga ah uu uga waramaayey Nimanka kale ayaan xageedii u soo jeestay oo dhegaystay waxaana sheekadu u dhignayd sidan.


Ninka Odayga ahaa waxa uu yidhi

"Waxaan maalin dhawayd oo 2ba todobaad ka hor hada laga joogo tegay goor Subaxnimo ah' halkaasi oo aan u tegay Nin aan hawl ii gaar ah kala balansanaa balse Nasiib daro markii aan Xarunta dowladda hoose tegay waxa lay sheegay in aanu Saaka shaqada iman ee hawl shaqo uu meel ugu baxay masuulkii aan u socday.."


Isaga oo sheekadiisa sii wata waxa uu Odaygii yidhi "ka dib markii Masuulkii aan u socday aan waayey waxaan iska yar fadhiistay Barxada Xarunta Dowladda hoose ee Xafiiska Xoghayaha fulinta horteeda oo Kadinka Dabaqa Xafiiska Mayorka loo marona ku yaalo' aniga oo halkii fadhiya ayaa 5 nin oo meesha aan fadhiyey agteeda hore u sii Hore u sii fadhiyey oo aan ugu imid meesha ayaa waxa Xafiiskiisa ka soo degay Mayor Cabdikariin waxaanu  Kaxeeyey 5tii Nin ee meesha aan ugu imid daqiiqado yar ka dib ayuu hadana Mayor Mooge  soo noqday marku agtayda maraayo ayuu igu soo Leexday wuxu igu yedhi Adeer bal waran "khayr ayaan kugu idhi.." waxa uu igu yidhi maxaad u socotay ka dib waan u sheegay in aan nin aan la balansanaa Saaka oo Xarunta dowladda hoose u imid aan waayey oo meesha ku yar nasanaayo..."


Isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu Ninkankii Odayga ahaa yidhi " Markaan inta u sheegay ayuu iga dhaqaaqay balse marku laba Talaabo qaaday ayuu hadana dib iigu soo noqday waxaanu I su'aalay "Adeer reer ma leedahay.." Haa ayaan ugu jawaabay' ka dib soo kac ayuu igu yidhi waxaanu I geeyey Xafiis ay sii fadhiyaan 5tii Nin ee hore ee aan meesha ugu imid balse uu daqiiqado ka hor Mayorku kaxeeyey oo halkaas ku sugan waxaanu ku yidhi Kana ku dar waanu iska Baxay..."


Odayga oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi "Masuulkii 6da yada Nin oo aan arkaayey in aanu isku Wada Duruuf (Rag Qoysas Danyar ah ka soo jeeday) nahay uu Mayorku noo geeyey waxa na loo dhiibay Warqado yar yar oo mid kasta gaarkiisa loogu dhiibay kuwaas oo ay ku qornaayeen Raashin Qoys oo dhamaystiran' waxa na lagu yidhi Bakhaarka magaciisu yahay kaas ee Xaafadda Iddaacadda ku yaala la taga oo kaga qaata Warqadahan Raashinka ku Qoran ' waxaanu anaga oo faraxsan oo Mayorka Caloosha uga ducaynayna ayaanu 6 dayadii Nin ba ka tagnay Xarunta Dowladda hoose anaga oo Baska Iddaacadda fuulay badhkayo kuwo kalena mooji inay soo Lugeeyeen ee Mar dambe iyada oo aanu Bakhaarkii intayadii Baska raacnay joogno ayey noogu yimaadeen..."


Odayga oo hadalkiisa sii wata waxa yidhi "Ka dib markii aan Bakhaarkii tegay ee Warqadii gacanta uga dhiibay waxa layso Tiriyey Raashin Qoys oo 8 Nooc ka tirsan' ka dib waxaan u baahday Lacag aan Gaadhi Dhaweeye ah oo Bakhaarkan Iddaacadda ku yaala iiga qaada oo Gurigayga oo Xaafadda Maxamed Mooge ku yaala aan ku Geeyo wax lacag ahna ma haysto oo 3dii Kun ee Baska Iddaacadda aan ku raacay ayaan haystay ' waxaan la hadlay Wadaadii aan qabay in kasta oo Warka ay ku diirsatay ee Raashinka Qoyskaygu Baahida u qabay aan ka soo helay hadana nasiib daro Lacag dhaweeye oo bal meel uun ka doon aan ku idhi waxay ii sheegtay in aanay garanayn meel ay ugu Amaah tagto..."


Muwaadinkan Qoyskiisu danyarta ahaa oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi  "Ka dib markaan waayey cid Lacag dhaweeye aan Raashinka ku qaato ii soo dirta ama I sii Amaahisa dhowr qofna aan wacay ee waxba ii suurto gali waayeen ayaan fikiray oo waxaan Qaaday Jirikaan Saliid ah oo la socday Raashinka Mayorku ii soo qoray' waxaanan la tegay Suuqa Iddaacadda oo Bakhaarka Alaabtu ii taalo ka ag dhawaa markiiba dumar ayaa iga soo hor yaacay oo aniga iga Iibi iyo aniga iga iibi igu kala Jiitay mid ka mid dumarkii ayaan u dhiibay Saliidii Waxaanay iga siisatay 400'000shln (Afar Boqol oo Lacagta Somaliland Shilinks) ah ka siiyey Shirikaankii Saliida ahaa..."


Ugu dambayntii waxa uu Ninkii Odayga ahaa sheekadiisa ku soo Khatimay" markiiba Dhaweeye ayaan dalbaday waxaanu markii uu Xaafadaydii oo Maxamed Mooge ku taala ii keenay ii soo diray Fariintii Dhaweeyaha oo 40'000 kun oo Shilin ah' sidaas ayaan Alaabtii kula degay oo Gurigaygii ku tegay' marka waligay waxaanan filanayn oo ilaa maalintii ilaa maanta ka Bixi la Mayor Cabdikariin Axmed Mooge oo aanan si toosa isaga iyo anigu Aqoon waji iyo kulan gaara isku lahayn in kasta oo aan Inankaasi anigu Saxaafadda iyo in uu reer Mooge liibaan oo Qoys Halgankii iyo Fanka Somaliyeedba Magac ku leh aan ku aqaanay waxa hadana iga degila duruufta dadkiisa danyarta ah sida uu wajigooda uga Akhrinaayo ee Culayska aniga iyo Raga kaleba uu nooga Fayday Illaahay Garabkiisa ha galo ee Salaad kasta waan ugu ducaynayaa aniga iyo 5ta kale ee isku duruufta ah uun maaha ee waxa lay sheegay in uu Danyar badan oo kale uu Taakulo taayada oo kale ah ku kaalmeeyey waana Mayor ducaysan oo Illaahay umaddeena reer Hargeysa u soo diray..."


Dhamaad

Zir Abdiwali Ali

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...