Warbaahinta Masuuliyad Adag Ayaa Saaran. Faallo kooban.
"Odayga Jaamac la
yidhaahdaa (Jaamac Shabeel) malaha Biyahii kululaa ayuu badsaday".
Siyaasi Abwaan Cismaan
ku jare, oo waraysi siiyay Horyaal TV ayaa sheegay inuu siyaasiga (Jaamac
Shabeel) bad saday biyaha kulul kuwaas oo dadku badi u yaqaanaan Khamriga
Cismaan ku Jare waxa
loo yaqaan Abwaan gabyaa ah oo dhaqan
yaqaan ah iyo siyaasi. Nin Oday ah,
Soddog ah Aabo ah sidoo kale Xurmo iyo Xarrago ku dhex leh dalka oo siyaasi la
garanayo ah 35-kii sano ee u dambeeyayna saaxadda siyaasadda ku jiray xilal
kala duwana soo qabtay inuu sid fudud ugu tilmaamo Khamriyo cab waliba badsada
oo uu warbaahinta u mariyo waa wax aad looga naxo iyo aflagaado lafjab ah.
runtii afkiisana kuma habboonayn inuu soo mariyo cayda intaa leeg. Maddaama
isguba uu yahay Nin weyn oo masuul ah oo damac siyaasadeed leh.
Afkaarta siyaasadeed ee
la isku diiddan yahay waa la isku dhaliili karaya. Laakinse caydu waa mid aan
fiicneyn iyo in qofka cirdigiisa iyo sharaftiisa meel lagaga dhaco. Diinta Islaamka iyo
dhaqankeenuna meel adag ayay ka istaageen arrimahaa.
Warbaahinta masuuliyad
culus ayaa ka saaran waxyaabaha ay bulshada u baahinayso waa inay iska
tifaftiraan oo aanay cayda iyo dhaqan xumada kusii daynin dhegaha iyo indhaha
bulshada daawanaysa.
Muddooyinkii u
dambeeyay Somaliland waxa wax caadiya laga dhigay ama noqotay in siyaasiyiintu
si qaawan oo lafjab ah warbaahinta cay isugu mariyaan iyadoo aan waxba la
xeerinayn.
Runtii haddii ay sidaa
kusii socoto oo aan la is daba qabana dhibaato xun ayaa ka dhalan doonta.
Waa in la kala gartaa
shaqsiyadda qofka In lagu xadgudbo iyo
fikirkiisa siyaasadeed ee uu aamin sanyahay in wax laga sheego inay tahay 2
qodob oo aad u kala duwan.
Qalinkii : Suxufi
Mawliid Maxamed Siciid
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!