Kaftanka Caawa, Xirsi Maxaa Loo Xifaalaynayaa.

0
Wednesday October 05, 2022 - 10:27:03 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1224
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kaftanka Caawa, Xirsi Maxaa Loo Xifaalaynayaa.

    W/Q: Ahmed Nour Guruje

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Ahmed Nour Guruje


Sheekaba sheeko ayay keentaaye , sanadkii 2002 ayaa Ahmed siilaanyo furtay ururkii kulmiye,dabeeto siyaasiyiin badan oo muuse biixi ka mid yahay ayaa ku biirtay.

 

Isla sanadkaas 2002 waxaa siyaasadda soo galay cumar carte qaalib oo gudoomiye u noqday ururkii hormood, sidoo kale xisbigga udub waxaa gudoomiye ku xigeen  ka ah axmed yuusuf yaasiin dabcan madaxwayne ku xigeena ah, sheekh ibraahin waa gudoomiyaha guurtidda.

 

Doorashaddii 2002 muuse biixi wuxuu si adag ula shaqeeyay siilaanyo, waxaanu kaalinta labaad ka galay degmadda Hargaysa iyo gobolka maroodi jeex, ururkii hormood iyo cumar cartena sidaasay ku dhaceen.

 

Mar kale doorashadii 2003 muuse wuxuu sutidda u qabtay xisbigii udub oo madaxwayne ku xigeenkiisu yahey sheekh Axmed, ismaaciil yarena wasiiru daakhili, kulmiye cod xooga buu heley.

 

Ugu danbayn doorashadii 2005 iyo 2010 muuse wuxuu muquuniyay siyaasiyiintii beeshiisa ee udub oo madaxwayne ku xigeenkii wadanku hogaaminayo.

Sidaas oo ay tahey muuse gudoomiye ha kulmiye muu ahayn laakiin marna siyaasi cadaysimo ah buu ahaa marna gudoomiye ku xigeen xisbi.

Si kastaba ha ahaatee xirsi maanta waxaa laggu xifaalaynayaa, waxaa lagga rabaa

 

1 in uu maxamed kaahin u muquuniyo sidii muuse u muquuniyay axmed yuusuf yaasiin , ismaaciil yarre iyo cabdilaahi cirro.

 

2 in uu gaashaanka  u daruuro ururka kaah iyo maxamuud xaashi sidii muuse gaashaanka ugu daruuray cumar carte Iyo ururkii hormood.

 

3 ugu danbayn waxaa lagga rabaa in uu cirro ula soo baxo sidii muuse siilaanyo ula soo baxay ilayn flight bay wada saaran yihiine .

 

W/Q: Ahmed Nour Guruje


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...