Askari Boolisa Oo Lagu Dilay Hargaysa Iyo Ciidanka Oo Ka Hadlay

0
Wednesday October 05, 2022 - 10:22:10 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 3104
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Askari Boolisa Oo Lagu Dilay Hargaysa Iyo Ciidanka Oo Ka Hadlay

    "INAALILAAHI WA INAA ILAYHI RAAJUCUU".

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"INAALILAAHI WA INAA ILAYHI RAAJUCUU".


Taliyaha Ciidanka Booliska JSL Sareeye Gaas Maxamed Aadan Saqadhi waxa uu Tacsi u dirayaa Isago ku hadlaaya Magaciisa iyo ka Ciidan weynaha Booliska qoyskii,qaraabadii , Ciidankii iyo Qarankii uu ka baxay Alle ha naxarisite Marxuum Askari Pol Dable Cadnaan Axmed Cabdi Oo Eedaysane Sakariye Maxamed Aadan uu Saaka ku dilay Magaalada Hargeysa.

 

Eedaysane Sakariye Maxamed Aadan ayaa dilka Askarigan u adeegsaday Tooray uu kaga dhuftay laabta.

 

Eedaysanahan ayaa ahaa budhcad Aalaaba Caadaystay Dhaca Moobilada iyo jidgoyada Dadka , waxaana wakhtigaas uu toorayda ku dhuftay Askarigaasi ku jiray hawlgal iyo shaqo qaran oo uu ku soo qabanaayay Eedaysanhan Oo Mobile ka qaaday dad shacab ah  isaga iyo koox uu la socday.

 

Eedaysanaha ayaa markii uu falka geystay isku dayay inuu baxsado balse Ciidanka Booliska ayaa markiiba ka jawaabay oo gacanta ku soo dhigay waxaana uu Wakhtigan ku jiraa xarunta Dambi baadhista Ee (C I D).

 

Ugu Dambayn Ciidanku waxa uu u gudbin donaa Eedaysanaha Xeer-ilaalinta iyo Maxkamadda ,  Si ay waajibaadkoga Qaran uga Gutaan.

 

Xafiiska Warbaahinta

Ciidanka Booliska JSL.


Loading...
Loading...