Xukuumadda Somaliland iyo Hay,ada ARC oo kala Saxeexday heshiis Deeq Waxbarasho oo farsamada Gacanta ah

0
Wednesday October 05, 2022 - 09:43:42 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 1012
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukuumadda Somaliland iyo Hay,ada ARC oo kala Saxeexday heshiis Deeq Waxbarasho oo farsamada Gacanta ah

    Axmed Toorno oo faahfaahin ka bixinayay heshiiskaas ay kala

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Axmed Toorno oo faahfaahin ka bixinayay heshiiskaas ay kala



Wasaarada Waxbarashada iyo Sayniska iyo Hay,ada ARC ayaa shalay kala saxeexday heshiis deeq Waxbarasho oo farsamada gacanta lagu barayo 200 oo arday


Wasiirka Wasaarada Waxbarashada iyo Sayniska Axmed Maxamed Diiriye Toorno oo hadal ka jeediyay halkaas ayaa sheegay in Xukuumaddu mudnaanta koobaad sii nayso Waxbarasahda Farsamada Gacanta,waxaanu intaa ku daray in heshiiskan waxbarasho wax lagu bari doono muwaadiniin reer Somaliland.



Axmed Toorno oo faahfaahin ka bixinayay heshiiskaas ay kala saxeexdeen Hay,adda ARC.,ayaa,yidhi”Waxa aanu kala saxeexanay Hay,ada ARC heshiis Waxbarasho oo 200 oo qof lagu tababarayo farsamada Gacanta oo Gobolada Somaliland oo dhan ah,aad iyo aad ayaanan ugu mahadnaqayaa Hay,ada ARC,waxa kale oo aanu ka wadahadalnay guud ahaan sidii Hay,adani uga qayb qaadan la hayd Waxbarashada Somaliland.gaar ahaan dhinaca farsamada gacanta oo ay wax ku baraan dad badan oo reer Somaliland ah mudnaanta koobaad ayaanay u tahay Farsamada gacanta,”.


Sidoo kale Agaasimaha guud ee Wasaarada Shaqada Qoyska iyo arrimaha Bulsahda Axmed Xasan oo halkaa hadal ka jeediyay ayaa tilmaamay in ay wax lagu farxo tahay in dadka la baro wax ay ku shaqo

 tagaan.Waxaanu yidhi”Fursadan waxbarasho ee farsamada gacanta waxaa wax lagu bari doonaa 200 qof oo muwaadiniin reer Sonaliland ah,waxaana wax lagu bari doonaa farsamada gacanta oo kala duwan oo ah kuwa loogu baahida badan yahay oo muddo afar bilood ah ayaanay socon doontaa oo lagu tababari doonaa waana wax lagu farxo in dadka la baro wax ay ku shaqo tagaan,”.

Loading...
Loading...