" Siyaasadda Aan Idin Fahamsiiyo ".

0
Tuesday October 04, 2022 - 17:13:41 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1065
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    " Siyaasadda Aan Idin Fahamsiiyo ".

    W/Q: Ahmed Nour Guruje

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Ahmed Nour Guruje


Aduunyadda culuunta waxaa loo qaybiyaa laba qaybood.

1- cilmi diineed iyo cilmi Aduunyo.

Cilmigga Aduunyo waxaa loo qaybiyaa laba qaybood.

1 Science ( oo ah cilmigga ku saabsan barashadda arrimaha dabiiciga ah ) .

2 Art ( oo ah barashadda cilmigga ku saabsan arrimaha aduunyo ee aan sayniska ahayn) .

 

Cilmigga sayniska waxaa laggu bartaa qaaciidoiyin la isla yaqaano oo aan isbdalin qof walibana aanu so gaara u rogi karin  .

 

Halka art laggu barto aragtiyo iyo afkaar waqtiga iyo deegaanka isla badbadasha.

Labadda cilmi sayniska bsrashadiisu way adagtahey laakiin dabaqaadiisa ayaa fudud , Art laakiin barashadiisa ayaa fudud laakiin dabaqaadiisa ayaa adag maxaa yeeley malaha qaaciidooyin rasmiya oo isku si loo raaco.

 

Sidaas markay tahey siyaasaddu waxay raacsantahay qaybta cilmigga ah ee loo yaqaano  Art mana laha qaaciidooyin hasa ahaatee sidda aragtiyaha siyaasadda iyo xeeladaheeda loo diyaariyey ayaa la bartaa, sidda qofku aragtiyaha guud Iyo waayihiisa gaarka ah isu waafajinayaana waa qof iyo itaalkii.

 

Hadaba aragtiyaha siyaasadda waxaa ka mid ah aragtidda cabirka ama miisaamidda oo ah sidan

 " the end justifies the means " dhamaadka ayaa cadaynaya natiijadda.

Amaba maxsuulka ayaa kuu sheegaya in aad saxnayd iyo inaad qaldanayd, waayo cabirka siyaasaddu waa natiijadda kuusoo baxda.

 

Si kastaba ha ahaatee qof kasta aragtidiisa waqtiga ayaa ah maxkamadda soo saaraysa xukunkiisa, halka dayr waqtiggu dhigo, dibaa looga sheekayn.


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...