Xanuunka Xumada Oo Farabaas Ku Haya Shacabka Iyo Xukuumada Oo Ku Mashquulsan Hambalyeynta Mudo Kordhinta Sharci Darada Ah
			Xanuunka Xumada Oo Farabaas Ku Haya Shacabka Iyo Xukuumada Oo Ku Mashquulsan Hambalyeynta Mudo Kordhinta Sharci Darada Ah                        
	
	
			
	
            
			
	
			
	
			
	
		
		
			
				
		      
    
        
    
    
              
  xukuumada somaliland ayaa ku mashquulsan hambalyeynta mudo kordhinta sharcidarada ah ee loo sameeyey Muuse Biixi iyada oo ay shacabkii u dhimanayaan xanuun aanay ilaa hada wasaarada caafimaadku aqoonsan oo si balaadhan ugu faafaya magaalooyinka dalka.
	xoghayaha warfaafinta ee xisbiga Ucid Yuusuf Kayse Muxumed ayaa xukuumada ku dhaliilay habka ay u dhaqmayso ee muujinaya inaanay dan ka lahayn shacabka, qoraal uu soosaaray ayaanu ku yidhi.
	"Xanuun Cusub oo Dad badani u geeriyoodeen Iyo Xukuumadeenii oo Ku Mashquulsan Hambalyadda Mudo-korin aan sifo Sharciya Loo Marin, anaguna aanaan aqoon-sanayn.
	Hadaba miyaanay Kaaf Iyo Kala-dheeri ahayn Shacbigeenii oo la iL-daran Xanuunkan oo Dadkeenii Buux-dhaafiyeen Dhakhaatiirta Iyo Farmasiiyada, Qaarkoodna u Geeriyoodeen, Qaar kale oo Ka mid ahina Guryaha u Jiifaan Ayaan Jirin Cid Ku Wer-weraysa oo u Damqanaysa oo Ka Hadlaysa Iyo Qorshe Cad oo Xukuumadu inoo Soo Bandhigtay oo ay Kaga Hor-tagayso dadka inta aanu ku Dhicin, Markaa Miyaanay Kaaf Iyo Kala-dheeri ahayn.
|  | 
        Loading...    
        
    
        Loading...    
        
    

 
         
                     0
                0            
 
    						





