Nuxurka Kulan dhexmaray Wasiir Maxamed Kaahin Safiirka Sweden u Qaabilsan Soomaaliya Oo Hargeysa Yimid
Nuxurka Kulan dhexmaray Wasiir Maxamed Kaahin Safiirka Sweden u Qaabilsan Soomaaliya Oo Hargeysa Yimid
Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL, Maxamed Kaahin Axmed uu wehelinayo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Gudaha Maxamed Yusuf Ismaaciil, ayaa kulan qaatay Safiirka Dawlada Sweden u qaabilsan Jamhuuriyadda Somaliland iyo Somaliya, Ambassador Per Lindgärd iyo Wefti uu hogaaminayey.
Intii uu socdey kulankani waxaa lagaga wada hadlay arrimaha nabadgelyada, guud ahaana nabada Mandaqada Geeska Afrika, iyadoo Safiirku ka dareen celiyey nabadgelyada ka jirta Somaliland iyo horuumarka ka socda dal, kaasoo dhinac walba leh, iyadoo kulankan la iskula qaatay xoojinta xidhiidhka labada dalka, iskaashiga dhinaca nabadgelyada iyo fududaynta isu-socodka labada dal, taasoo ah mid muhiim ah labada dhinac.
Safiirka ayaa u mahadnaqay Wasiirka Arrimaha Gudaha JSL, Maxamed Kaahin Axmed, sida uu u soo dhoweeyey, iyadoo ay Safiirka ay wehelinayeen Saraakiil sar sare oo ka socda Dawlada Sweden, dhinaca kale Wasiirka waxaa kulanka ku wehelinayey Agaasime Guud ee Wasaaradda Arimaha Gudaha iyo madax kale oo ka tirsan Wasaaradda Arimaha Gudaha, iyadoo kulanku ku soo dhamaaday isfaham iyo jawi aad u fiican.
Cabdilaahi Axmed Caarshe.
Agaasimaha Warbaahinta iyo Xidhiidhka Dadweynaha ee Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL.
Loading...
Loading...