Guddoomiye Ku Xigeenka Koowaad Ee Baarlamaanka Somaliya Oo Lagu Soo Dhaweeyay Muqdisho SAWIRRO
Muqdisho (HWN) Gudoomiye Ku xigeenka Koowaad ee Baarlamaanka Somaliya Cabdi Wali Sheekh Ibraahin Muudey, ayaa si wayn loogu soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde, kadib markii
uu ka yimid safar dalka Turkiga.
Soo dhawayntan balaadhan ee xildhibaanada qaar kamid ahi usameeyeen gudoomiyaha ayaa ku soo beegmaysa xili xildhibaanada qaar kamid ah la sheegay inay diyaarinayaan mooshin isaga ka dhan ah.
Muuday ayaa taageerayaal badan ku dhex leh golaha baarlamaanka taasi oo sababtay in maanta sidiiran loo soo dhaweeyo.
Gudoomiyaha ayaa ka dareen celiyay sida diiran ee xildhibaanadu ugu soo dhaweeyeen Muqdisho, waxaanu umahad celiyay dhamaan xildhibaanadii soo dhawaynta usameeyay.
Todobaadka soo socda ayaa lagu wadaa inuu furmo Kulamada Baarlamaanka Somaliya, sida Guddiga Joogtada Golaha Shacabka Somaliya ay go’aamiyeen.
Loading...
Loading...