Qaramada Midoobay Oo Ka Digtay Cuduro Si Xawli Ah Ugu Fidaya Pakistan
Qaramada Midoobay ayaa
ka digtay halis ku soo fool leh dalka Pakistan ee ay daadadku halakeeyeen,
iyaga oo sheegay in dalkaasi uu haatan gelayo wejigii labaad ee saamaynta ka
dhalatay fatahaadaha, ka dib markii ay soo baxeen wararka sheegaya xanuunada
faafa ee ka dhashay fatahaadaha oo lagu arkay dalkaas, kuwaas oo ay ka mid
yihiin, kaneecada ama duumada, shubanka, cudurada maqaarka ku dhaca, iwm.
Julien Harneis oo ah
isuduwaha arrimaha gargaarka bini’aadanimo ee Qaramada Midoobay ee dalka
Pakistan ayaa sheegay in wejigii hore ee masiibada ka dhalatay daadadku inay
sababtay burbur xooggan oo soo gaadhay waddooyinka, buundooyinka, guryaha iyo
kaabayaasha kale ee dalka.
Isagoo sheegay in
arrintaasi ay markhaati u tahay, cawaaqib xumahada ka dhalan karta, marka loo
dhug yeelan waayo arrimaha deegaanka iyo isbedelka cimilada.
Qaramada Midoobay ayaa
sheegtay in dad lagu qiyaasay illaa 1,700 oo qof ay naftooda ku waayeen,
daadadkii ku fatahay dalka Pakistan, iyada oo dadka dhintay ay saddex meelood,
meel ka mida ay caruur ahaayeen. Waxaa sidoo kale dhaawacyo kala duwan ay soo
gaadheen illaa 12,800 oo qof.
Daadadkan iyo
fatahaadaha ka dhashay ayaa saameeyey illaa 33 milyan oo qofk, halka ay
barakiciyeen illaa 7.9 milyan oo qof.
Harneis ayaa sheegay in
cabsida laga qabo fiditaanka cudurada faafa ee goobaha ay fatahaaduhu ka
dhaceen inay horseedi doonto dhimasho badan oo kale, gaar ahaan caruurta,
kuwaas oo malaayiin ka mid ahi, ay haatanba la ildaran yihiin nafaqo darro
baahsan.
Hay'adda Qaramada
Midoobay u qaabilsan carruurta ee UNICEF ayaa sheegtay in ugu yaraan 3.4 milyan
oo carruur ah ay u baahan yihiin taageero naf-badbaadin ah oo degdeg ah.
VOA