Wasiir Maxamed Kaahin Oo Kulan La Qaatay Safiirka Sweden Uqaabilsan Somaliya

0
Monday October 03, 2022 - 13:18:50 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 847
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir Maxamed Kaahin Oo Kulan La Qaatay Safiirka Sweden Uqaabilsan Somaliya

    WAR-SAAFADEED

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

WAR-SAAFADEED


Hargeysa--(HWN), Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL, Maxamed Kaahin Axmed uu wehelinayo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Gudaha Maxamed Yusuf Ismaaciil, ayaa kulan la qaatay Safiirka Dawlada Sweden u qaabilsan Somaliya, Ambassador Per Lindgärd iyo Wefti uu hogaaminayey.

 

Kulankan oo ka qabsoomay Xafiiska Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed, waxaa lagaga wada hadlay xidhiidhka ka dhaxeeya Jamhuuriyadda Somaliland iyo Dawlada Sweden, iyadoo Dawlada Sweden ay ka mid tahay  saaxibada Somaliland, xidhiidh aad u sareeyaana ka dhexeeyo labada dal.

 

Intii uu socdey kulankani waxaa lagaga wada hadlay arrimaha nabadgelyada, guud ahaana nabada  Mandaqada Geeska Afrika, iyadoo Safiirku ka dareen celiyey nabadgelyada ka jirta Somaliland iyo horuumarka ka socda dal, kaasoo dhinac walba leh, iyadoo kulankan la iskula qaatay xoojinta xidhiidhka labada dalka, iskaashiga dhinaca nabadgelyada iyo fududaynta isu-socodka labada dal, taasoo ah mid muhiim ah labada dhinac.

 

Safiirka ayaa u mahadnaqay Wasiirka Arrimaha Gudaha JSL, Maxamed Kaahin Axmed, sida uu u soo dhoweeyey, iyadoo ay Safiirka ay wehelinayeen Saraakiil sar sare oo ka socda  Dawlada Sweden, dhinaca kale Wasiirka waxaa kulanka ku wehelinayey Agaasime Guud ee Wasaaradda Arimaha Gudaha iyo madax kale oo ka tirsan Wasaaradda Arimaha Gudaha, iyadoo kulanku ku soo dhamaaday isfaham iyo jawi aad u fiican.

 

sida lagu sheegay war-saxaafadeed ay soo saarat  Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL.


Loading...
Loading...