Jawaabtii Muddo-kordhinta: Maxaa Mucaaradka Laga Filayey? Maxaa Se Ka Soo Baxay.?

0
Sunday October 02, 2022 - 18:12:50 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1246
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Jawaabtii Muddo-kordhinta: Maxaa Mucaaradka Laga Filayey? Maxaa Se Ka Soo Baxay.?

    WQ: Cali Coomay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

WQ: Cali Coomay


= Waxa ay ka badbaadeen dabin ay xukuumaddu la damacsanayd, kaasi oo ahaa inay ku dhawaaqaan shirweyne qaran (Shir beeleed). Sidoo kale waxa ay ka badbaadeen inay ku dhawaaqaan dhisme xukuumada u gaar ah. Labadaa qoddob waxa ay keeni lahayd inay si toos ah saxaada siyaasadda uga baxaan oo jeelka lagu guro.

 

= Waxa ay soo celiyeen hadalladii ay saddexada sanno odhan jireen, ee kala ahaa: wixii ka dambeeyey 13-ka Noofambar dawlad uma aqoonsanin xukuumadda Biixi, muddo kordhintu waa xaaraan, Guurtidu dalka way qasayaan IWM.

 

= Labada xisbi si gooni ah ayey u kala hadleen, taasina waxa ay markhaati ka tahay inay waxyaabo badan isku raacsanayn. Yacnihii kala qaybsanaan gudahooda ah ayaa jirta.  Musharrax Cirro waxa ka muuqday niyad ahaan iyo hadal ahaanba daal oo malahayga shirkii arrinta lagaga arrinsanayey xisbi ahaan ayuu xilli dambe oo habeenimo ah ku gaadhay.

 

= Waddada keliya ee u furani waa inay galaan tartanka ururrada oo ay calafkooda ka qaadaan wixii ay saddex sanno diidanaayeen ee ay hanjabaado iyo faan meel kasta la soo taagnaayeen.


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...