In Ka Badan 120 Qof Oo Ku Dhimatay Isbuurasho Ka Dhacday Indonesia
Ugu yaraan 129 qof ayaa
ku dhimatay isbuurasho ka dhacday garoon kubadda cagta ah oo ku yaalla dalka
Indonesia, sida ay sheegeen saraakiisha. Waxay saraakiisha ku tilmaameen
dhacdadan masiibadii ugu ba'neyd ee ka dhacdo garoon kubadda cagta ah caalamka.
Isbuurashada ayaa dhacday
markii ay booliska sunta dadka ka ilimeysiisa ay ku rideen dad dhigayay
dibadbaxyo markii dambe isku baddalay rabshado.
Ku dhawaad 180 qof ayaa
ku dhaawacmay isbuurashada kadib markii kooxda kubadda cagta Persebaya Surabaya
ay ka adkaatay kooxda kale ee tartanka adag uu kala dhexeeyo ee Arema FC.
Wasiirka amniga ee
dalka Indonesia ayaa sheegay in tirada dadka ciyaarta daawaneysay ay kor u
dhaafeen 4,000 oo qof, tiradaas oo ka badneyd inta loogu talagalay garoonka.
Madaxweynaha Indonesia Joko
Widodo ayaa amar ku bixiyay in dhamaan ciyaaraha horyaalka Indonesia la joojiyo
ilaa inta baaritaan looga sameynayo masiibadan.
Muuqaallo la baahiyay
ayaa muujinayay taageerayaasha oo ku kala orddaya gudaha garoonka kadib markii
la yeeriyay seeriga.
Booliska ayaa markii
dambe sunta dadka ka ilimeysiisa ku riday taageerayaasha taasoo keentay in dad
badan ay isbuurtaan arrintaas oo horseeday kiisas neef qabatin ah, ayuu yiri
Nico Afinta, oo ah taliyaha booliska ee degmada East Java. "Xaaladda faraha
ayay ka baxday, dadka waxay bilaabeen inay weeraraan askarta, waxay waxyeello u
geysteen baabuurta" ayuu yiri taliyaha booliska ee degmada East Java.
Wuxuu intaa ku daray in labo askari ay ku dhinteen isbuurashada.
"Dhammaantood dadka qaska ma aysan wadin ilaa 3,000 qof ayaa gudaha usoo
galay garoonka".
Muuqaalo lasoo dhigay
baraha bulshada ayaa muujinaya taageereyaasha oo ku xoomaya xayndaabyada
garoonka si ay u baxsadaan. halka muuqaallo lagu arkayay wax u muuqday meydadka
dadka oo goobta daadsan.
Xiriirka kubadda cagta
adduunka ee Fifa ayaa sheegay in aanay aheyn in booliska ku sugnaa garoonka
inay adeegsadaan sunta dadka ka ilimeysiisa.
Xiriirka Kubadda Cagta
Indonesia ee PSSI ayaa sheegay in ay bilaabeen baaritaan, iyagoo intaa ku daray
in dhacdadani ay "sumcad darro u horseeday kubadda cagta Indonesia".
Kuma cusbo Indonesia
rabshadaha ka dhaca garoomada kubadda cagta, kooxaha Arema FC iyo Persebaya Surabaya,
waxaa in muddo ah ka dhexeeyay xifaaltan. Taageerayaasha kooxda Persebaya
Surabaya ayaa laga mamnuucay inay iibsadaan tigidhada ciyaarta sababtoo ah
cabsi laga qabo inay isku dhacaan taageerayaasha kale.
Balse wasiirka amniga
Mahfud MD ayaa bartiisa Instagram-ka soo dhigay in taageerayaasha laga iibiyay
42,000 tikidh ah kuwaasoo galay gudaha garoonka Kanjuruhan stadium, oo loogu
talagalay in uu qaado oo kaliya ah 38,000 qof.
Madaxweyne Joko Widodo
ayaa ku baaqay in dhacdadan ay noqoto 'masiibadii ugu dambeysay ee kubadda
cagta ee ka dhacdo dalkiisa.
Wuxuu amray in la
joojiyo tartanka Liga 1 tan iyo inta laga gabagabeynayo baaritaanka dhacdadan.
Waa masiibadii ugu
dambeysay uguna ba'neyd ee ka dhacdo garoonka kubadda cagta ah oo ku yaalla
caalamka.
Sanadkii 1964-tii, 320
qof ayaa ku dhimatay halka 1,000 qof ay ku dhaawacmeen isbuurasho ka dhacday
tartankii isreebreebka olimbikada ee u dhexeeyay Peru iyo Argentina.
Gudaha UK, 97 kamid ah
taageerayaasha kooxda Liverpool ayaa ku dhintay isbuurasho ka dhacday garoonka
Hillsborough ee ku yaalla Sheffield sanadkii 1989-kii.
BBC