Dawlad Ay Ku Dhawaaqaan Xisbiyada Mucaaridka Ahi Oo Qudha Ayey Kaga Jawaabi Karaan Mudo Kordhinta Muuse Biixi.

0
Sunday October 02, 2022 - 07:29:46 in News by Abdi Good
  • Visits: 2486
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dawlad Ay Ku Dhawaaqaan Xisbiyada Mucaaridka Ahi Oo Qudha Ayey Kaga Jawaabi Karaan Mudo Kordhinta Muuse Biixi.

    Dawlad Ay Ku Dhawaaqaan Xisbiyada Mucaaridka Ahi Oo Qudha Ayey Kaga Jawaabi Karaan Mudo Kordhinta Muuse Biixi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dawlad Ay Ku Dhawaaqaan Xisbiyada Mucaaridka Ahi Oo Qudha Ayey Kaga Jawaabi Karaan Mudo Kordhinta Muuse Biixi.


Hargeysa(HWN):-xisbiyada mucaaridka ayaa shir wakhti badan qaatay ka yeeshay mudo kordhinta sharci darada ah ee ay golaha guurtidu u sameeyeen Muuse Biixi iyo xukuumadiisa oo dhamaysanaya wakhtigii la doortay.

Xisbiyada Ucid Iyo Waddani waxay saacado badan ka shirayeen jawaabtii ay ka bixin lahaayeen mudo kordhinta golaha guurtidu u sameeyey Muuse Biixi taas oo ay u arkaan mid sharci daro ah oo aan loo marin dariiqii sharciga ahaa, waxaanay shacabku dhawrayaan dhawaaqi ka soo bixi doona xisbiyada eek u saabsan mawqifka ay ka qaadanayaan mudo kordhinta guurtidu samaysay.

Khilaafkii doorashooyinka oo wali taagan ayaanay ku soo beegantay mudo kordhinta ay sameeyeen golaha guurtidu, xukuumada iyo xisbiyada mucaaridka ah ayaana aad iskaga soo horjeeda, dadka siyaasada falanqeeya ayaana sheegaya in dawlad ku meelgaadh ah oo ay ku dhawaaqaan Ucid Iyo Waddani ay tahay jawaabta ugu haboon ee ay ka bixin karaan mudo kordhinta ay isku garabsadeen Saleebaanka hogaamiya guurtida iyo Muuse Biixiga horboodaya xukuumada.

Dawlad ku meelgaadh ah oo dalka doorasho gaadhsiisa oo ay xisbiyada mucaaridka ahi si degdeg ah ugu dhawaaqaan ayaana noqon karta talaabada u dhiganta ee ay kaga jawaabi karaan mudo kordhinta loo sameeyey Muuse Biixi iyo xukuumadiisa.

Qaabkii ay maxamed Kaahin Iyo Muuse Biixi u rideen dawladii AHN Cabdiraxmaan Tuur hab la mid ah inay xisbiyada Ucid Iyo Waddani u ridaan dawladan hada ee ay hogaaminayaan kornayladu ayaana ka mid ah hababka u furan inay kaga jawaabaan mudo kordhinta sharci darada ah, dhismaha dawlad ku meelgaadh ah oo ay ku dhawaaqaan ayaana dariiqa u xaadhi karta inay ridaan dawlada hada ee Muuse Biixi horboodayo.

 



Loading...
Loading...