War Deg Deg Ah:-Shirarkii Xisbiyada Oo Goor Dhawayd Soo Dhamaaday Iyo Qodobada Ay Ku Dhawaaqi Doonaan

0
Sunday October 02, 2022 - 00:50:43 in News by Abdi Good
  • Visits: 4502
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 2
  • Share via Social Media

    War Deg Deg Ah:-Shirarkii Xisbiyada Oo Goor Dhawayd Soo Dhamaaday Iyo Qodobada Ay Ku Dhawaaqi Doonaan

    War Deg Deg Ah:-Shirarkii Xisbiyada Oo Goor Dhawayd Soo Dhamaaday Iyo Qodobada Ay Ku Dhawaaqi Doonaan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War Deg Deg Ah:-Shirarkii Xisbiyada Oo Goor Dhawayd Soo Dhamaaday Iyo Qodobada Ay Ku Dhawaaqi Doonaan

Waxa goor dhawayd soo dhamaaday shirar wada tashiyo ah oo u socday xisbiyada mucaaridka ah ee Ucid Iyo Waddani.

Sida ay sheegayaan warar hada  naga soo gaadhayna qodobada ugu muhiimsan ee ay ku dhawaaqi doonaan waxa ka mid ah qodob sheegaya inaanay sharci ahayn hanaankii loo maray mudo kordhintii loo sameeyey Muuse Biixi iyo xukuumadiisa.


Xisbiyada oo Muuse Biixi ku eedaynaya inuu burburiyey komishankii si ay dib ugu dhacdo doorashadii madaxtooyada ee miisaaniyadeeda la ansixiyey sanadkan 2022, Ucid Iyo Waddani waxay ku dhawaaqi doonaan shir qaran oo ay Somaliland ka yeelato mustaqbalkeeda.

Sidoo kale xisbiyadu waxa ay shaacin doonaan inaan mudo kordhinta guurtidu samaysay aan loo raacin wakhtigii komishanka doorashooyinku shaaciyeen inay doorashad ku qaban doonaan isla markaana aan la hirgelin habkii lagu samayn jiray iyada oo aan la magacaabin guddi ka soo talabixisa oo golaha guurtida ka tirsan iyo wada tashigii lagala yeelan jiray xisbiyada iyo shirgudoonka wakiilada.

Wararku waxay sheegayaan in xisbiyadu ay bari ku dhawaaqi doonaan mawqifka ay ka taagan yihiin mudo kordhinta loo sameeyey Muuse Biixi.



Loading...
Loading...