" Saadaashayda Siday Siyaasaddu Ku Socoto".

0
Saturday October 01, 2022 - 19:00:36 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1567
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    " Saadaashayda Siday Siyaasaddu Ku Socoto".

    W/Q: Ahmed Nour Guruje

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Ahmed Nour Guruje


Sida dadka badankiisu la socdaan muranka siyaasadeed ee wadanka ka socdaa wuxuu soo bilaabmay aakhirkii 2021 shirwaynihii xisbigga waddani ka dib .



Minqiyaaskayga markaan eegana sababta madaxwaynuhu uga daba yimid xeerkii uusoo celiyay  na waa natiijaddii ka dhalatay shirwaynihii wadani.


Hadaba muranka ilaa waagaas socday muuqaalkiisa duleed wuxuu ahaa doorashadda ururadaa horaysa iyo ta madaxwaynaha horaysa cilmi sirteeduna waxay ahayd ficiltan iyo ismuujin siyaasadeed.


Sidaas markay tahey maanta madaxwaynaha laba sanadood ayaa loo kordhiyay, murankii doorashadda ururaduna waa halkasii, markay sidaas tahay maxaa la saadaalin karaa bilaha soo socda? .


Aniga aragtidayda shaqsi ah markaan cabiro, madaxwaynuhu labada sanadood wuxuu u isticmalayaa kaadh siyaasadeed uu xisbiyadda mucaaridka ah ku ogolaysiiyo doorashadda ururadda  nuxurkiisuna yahey, anigu laba sanadood oo mudo kordhina ma rabee  mucaaridku labadan qodob hakala doortaan.


1 in aan labadaa sanadood fadhiyo oo muranku dib u bilaabmo laba sanadood ka dib .

2 iyo in labadaa sanadood dhexdooda aan labada doorasho qabto waliba muddo aan sanad ka badnayn laakiin doorashadda ururaddu soo horayso.


Si kastaba ha ahaatee, aniga qoraalkaygani waa saadaal, runa wuu noqon karaa waanu beenoobi karaa lkn waxaan codsanayaa in la ii xaduusnaado.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...