Gud. Saleebaan Oo Sheegay In Gudi Isku Dhafi Gelayso Khilaafka G.Wakiilada
Hargeysa (HWN) -
Guddoomiyaha golah guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa sheegay
in guddi isku dhaf ahi ay galayso xallinta khilaafaadka golaha wakiillada ee ay sababeen sharciyadda xeerarkii golaha wakiiladu
Guurtida u gudbiyeen oo keenay in aan
muddo toddoba cisho ah soo shaqo tagin.
Waxa uu intaas ku daray
in guddidaasi isku dhafka ah ay ugu horrayso xukuumadda Somaliland oo
madaxweynuhu ku hoggaaminayo, golaha guurtida iyo dadka talo qabeenka ah.
Guddoomiye Saleebaan
waxa uu xusay in xisbiga WADDANI ay eedeeyeen isaga iyo madaxweynaha isla
markaana aanay ka jawaabin, haddana ka jawaabayn.
Waxa uu tilmaamay in
aanay jirin wax ay bulshada ka baqato, golihii ay doorteena uu khilaafkoodu
dhammaanayo.
Waxaanu sidan ka
sheegay wareysi uu siiyay wariyaal ku booqatay gurigiisa.
Waxaanu yidhi."Xisbiga
WADDANI mar haddii ay intoodii tuurteen oo aniga iyo madaxweynaha nagu
ciilbeeleen ma ciil danba u hadhay, ananaa umaanu jawaabin, una jawaabi mayno.
Golaha wakiilladu in uu
sidaasi ku lumo maahee waa in khilaafkooda la dhexgalo, oo golihii la isku soo
ceesho, bulshadu gole ayay soo dooratee ay golihii noqdaan, haddii aanay wada
jir ku shaqayna gole jirimaayo, golaha guurtida, xukuumadda oo madaxweynuhu
hoggaaminayo iyo wixii odayaal ahiba in aanu arrintaasi dhexgallo oo xal aanu u
helo waa waajib Qaran.
Khilaafka golahaasina
waa khasab ama madaxweynaha iyo wasiiradiisa ha ahaato ama anaga ha ahaato, ama
odayaasha iyo waxgaradka Qaranba ha ahaato, in aynu khilaafkaasi dhammeyno.
Waxa igu maqaalo ah in
guddoomiye Cabdirisaaq uu arkay dhinici kale ee ay is hayeen isaga oo leh waar
golihii haysku soo noqdo, arrintaasina guddi ayaynu u saaraynaa, aynu khilaafka
ka saarno golaha, aadbaan ugu boggaadinaynaa taana, oo waa tallaabo wanaagsan.
Waxa aanu bulshada u
sheegayna wax cabsi ahi ma jiro dalku waa degan yahay, dalkuna sida la moodayo
dadku maahe dadku marka wax loo sheego dantooda way arkayaan.”