Khatarta Dayax-Gacmeed Hawada Ku Burburay Oo Laga Baqayo?

0
Friday September 30, 2022 - 19:15:28 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1277
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Khatarta Dayax-Gacmeed Hawada Ku Burburay Oo Laga Baqayo?

    "Dabcan ma jirto halis, suurtagalna ma aha inay waxaasoo kale dhacaan."

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Dabcan ma jirto halis, suurtagalna ma aha inay waxaasoo kale dhacaan."


Weligaa maku fikirtay in adigoo waddada iska socda ay kugu soo dhici karaan biraha haraadiga dayax-gacmeed ku burburay hawada sare?

 

Waxaa laga yaabaa in aadan horayba uga fikirin arrin noocaas ah, sidaas awgeedna ay halista kaaga dahsooneyd. Ama waxaa suurtagal ah inaad gebi ahaanba meesha ka saartay saameynta ay yeelan karto khatartaas. Balse miyaad ku saxan tahay taas?

 

Jawaabta ay bixiyeen inta badan dadka ay BBC-da ku wareysatay waddooyinka magaalooynka Qaahira iyo Beyruut waxay ahayd in aysan wax noocaas ah dhici karin.

 

"Dabcan waxaa dayax-gacmeedyada loo sameeyaa si aad iyo aad looga taxaddaray khatarta ka dhalan karta,” ayuu yiri mid ka mid ah dadkii ay la hadleen kooxda BBC-da.

Mid kalena waxa uu yiri: "Dabcan ma jirto halis, suurtagalna ma aha inay waxaasoo kale dhacaan.”

 

Balse, dhowr qof ayay jawaabtoodu noqotay in ay macquul tahay, ayna dhici karto in khatar lagala kulmo dayax-gacmeedyada ku burburay hawada sare.

 

"Waligey horay isuma weydiin, mana ka fikirin, balse hadda marka aad i weydiisay, haa, way dhici kartaa, waxaana laga yaabaa inayba horay u dhacday,” ayuu yiri qof ka mid ah dadka la wareystay.

 

Run ahaantii wayba u dhacday horay. Marar badan oo hore ayay nagu soo dhaceen dayax-gacmeedyada iyo gaadiidka kale ee hawada.

 

Dhacdooyin hore

Sanadkii 1979, haraadiga burburka dayax-gacmeedkii la oran jiray Skylab ayaa kusoo dhacay Galbeedka Australia. Sidoo kale 1980-meeyadii, dayax-gacmeed uu lahaa Ruushka oo loogu talagalay hubka nukliyeerka ayaa kusoo dhacay Canada.

 

Sanadkii lasoo dhaafay ee 2021, haraadiga dayax-gacmeed ay lahayd shirkadda SpaceX, oo uu leeyahay Elon Musk, ayaa soo dhacay, bishii Agoosto ee sanadkanna, biro madow oo aan la aqoon waxa ay yihiin ayaa kusoo dhacay Koonfurta Australia, balse khubarradu waxa ay aaminsan yihiin in ay leedahay isla shirkaddaas.

 

Sanadkii 2020, nin maqaayadle ah, oo ku nool waddanka Ivory Coast oo ku yaalla Galbeedka Afrika, ayaa subax kusoo kacay gurigiisa oo uu burburiyay gantaal uu riday Shiinaha. Guriyo kale oo ku yaallay isla xaafaddaas ayaa ku burburay halkaas.

Biraha gantaalkaas qaarkood ayaa ku dhacay labo qof oo ka mid ahaa dadka xaafadda.

 

Halista kasoo socota hawada

Daraasado la sameeyay ayaa lagu sheegay in la filayo khatar hor leh oo bani’aadanka kasoo wajaheysa waxyaabaha cirka kasoo dhacaya, taasoo gaareysa ilaa 10%, lana filayo in ay sii kororto.

 

Waxaa la isweydiinayaa sida uu u shaqeeyo hannaanka badbaadada ee dayax-gacmeedyada loogu talagalay inay raacaan.

 

Laakiin jawaabta waxaa bixisay hay’adda Mareykanka u qaabilsan howlgallada hawada sare ee NASA, oo warbixin ay soo saartay ku sheegtay in kaliya 30% ka mid ah dayax-gacmeedyada caalamka ee hawada sare ka shaqeeya ay u hoggaansamaan shuruucda lagama-maarmaanka ah ee loo dejiyay.

 

"Waxaan ka war helnay inuu jiro dayax-gacmeed burburay, waa in dib loo eego habraacyada badbaadada,” ayaa lagu yiri warbixinta NASA.

 

Hawada sare oo aad loogu batay

Tan iyo markii uu billowday tartanka safarrada hawada sare bartamihii qarnigii la soo dhaafay, bani’aadanku waxa ay direen kumannaan dayax-gacmeed, qalabkan aadka u waaweyna kuma baaba’aan hawada, kamana fogaadaan meeraha dhulka.

 

Sida ay sheegtay hay’adda howlaha hawada sare ee Midowga Yurub, tan iyo markii hawada sare la aaday 1950-meeyadii, waxaa dhulka laga diray 10,680 dayax-gacmeed.

 

Hadda waxaa jira 6,000 oo weli ku sugan hawada sare, 3,900 ayaana shaqo wada. Taas micnaheedu waa in 37% dayax-gacmeedyadii la diray ay howl-gabeen ayna hawada sare iska heehaabayaan, iyagoo xilli kasta iska soo dhici kara.

 

BBC


Loading...
Loading...