"Cabdiraxmaan Cirro Nin Jilicsan Baa La Moodaa ..." Siyaasi Cali Guray

0
Friday September 30, 2022 - 17:58:26 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2842
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Cabdiraxmaan Cirro Nin Jilicsan Baa La Moodaa ..." Siyaasi Cali Guray

    "Hadii Ilaahay ku guuleeyo 90% waxan filayaa in uu noqon doono Madaxwayne ka duwan Muuse Biixi"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Hadii Ilaahay ku guuleeyo 90% waxan filayaa in uu noqon doono Madaxwayne ka duwan Muuse Biixi"


Hargaysa (HWN) Siyaasi  Cali Guray ayaa sheegay in Somaliland aanay ubaahnayn taliye ee ay ubaahantahay Hogaamiye.


Siyaasi Cali Guray oo baahiyay qoraal kaga hadlayo hogaaminta Muuse Biixi iyo Cabdiraxmaan Ciro ayaa yidhi:-

 

SOMALILAND HOGAAMIYE AYAY U BAAHAN TAHAYE UMA BAAHNA TALIYE (COMMANDER )

Cabdiraxmaan Cirro nin jilicsan baa la moodaa. Lama yaabo oo aniga ayaa moodi jiray intii aanan shakhsi ahaan aad isu baranin. Marka hore waa musharax waxanu ku soo gaadhay siyaasad qabow oo ka duwan tii Muuse Biixi ku guulaystay ee kusiga uu ku soo gaadhay oo qasab iyo jujuub iyo gacan maroojis ahayd. Murtida soomaalida ayaan ka baadhay siyaasadda Cabdiraxmaan ku socdo. Gabyaagii caanka ahaa ee Xuseen Xasan ayaan ka helay gabay uu lahaa. Wuxu yidhi:-

 

SUD LIBAAX LEH KAYN BAHAL SALDHIGAY SAYMO LA ARKAAYO

SANQADH-TIRASHADAA LAGU MARAA LAGAMA SOO SAARO

SURYO OODAN MEESHII SULDHO AH SUUL HADAAD GELISO

SI YAR BAA SIDAHA LOO MARSHAA LAANTA LAMA SAYDHO

NINKII MAALINTAA KAA SITA EEN LAGA SED QAADAYNIN

SAWD GIBINA BAA LOO CESHAA LAGUMA SOOYAAMO

 

Markaa Cabdiraxmaan wuxu siyaasiyiinta kale dheer yahay maca aniga oo Caligurey ah 20 sanadood oo waayoaragnimo diblomaasiyadeed ah. Taas ayaa u suurogelaysay in dad farobadan oo kala dabeecado iyo aragtiyo ah uu isuhayn karo sharka Muuse Biixina iskaga yareeyo. Xadhiga marka uu debcinayo iyo marka uu giijinayo isaga ayaa garanaya. La tashiga intii talo ku biirin karta waa hogaamiye dhegaysta oo aan qofna taladiisa quudhsan. Hadana marka uu go’aan kama dambays ah qaato wuu ku dhaqaajiyaa isaga oo Allihiisa kaashanaya cid kasta oo kaga hortimaadda saaxiibo xisbi iyo tolba dheg uma dhigo. Waayo marka uu ficil u rogo isaga ayaa loo soo wada noqdaa in uu sax ku ahaa.

 

Hadii Ilaahay ku guuleeyo 90% waxan filayaa in uu noqon doono Madaxwayne ka duwan Muuse Biixi oo ka hogaamin fiican. Muuse waa Taliye Somalilandna waxay u baahan tahay hogaamiye

 

Hadaba hogaamiye waxa ugu fiican ka ku dayda sidii Ilaahay faray Rasuulkiisa SCW in uu u hogaamiyo ummadiisa in uu la taahado asxaabtiisa hadii uu go’aan qaatana Ilaahay wakiisho uu talo saarto)

CALIGUREY

HALGANWATCH


Loading...
Loading...