Talo Ku Socota Xildhibaannada Golaha Wakiilada Somaliland.
Saaxiibiyaaal, waxa
idinka muuqda dadaal, dar jiidhkuna waa idinku badan yahay, waxa aad mateshaan
waa reer Somaliland sida aad idinkuba ku dhaarateen laakiin waxa aad u
muuqataan niman kooxaysigu ka xoog batay ilaa sida muuqata uu idin gaadhsiiyay
in golihii toosinta iyo taabo gelinta qaranku xidhnaado maalmo badan, hadda
ogaada oo mushaharka ma ogolidin in la idinka jaro maalmaha aad hakiseen himiladii
qaranka ee ahayd in loo shaqeeyo, xildhibaan maxaad ugu jawaabaysaa hooyada
danyarta ah ee suuqa cadceeddu hayso midhadhka xabuubta ah ku iibisa ee
shaqadeedii maalin dhan adiga kuu dayacday si ay kuugu codayso oo laguu yidhaa
xildhibaan.
Kolay jawaab uma
haysaan ee mid yeela 82 kiina maalmaha goluhu xidhan yahay mushaharkooda inta
aad isu geysaan dadkii idin doortay gaar ahaan hooyooyinka cadceedda fadhiya
siiya, si ay maalgelin ugu noqoto.
Xisaab
ahaan,
Maalmaha goluhu xidhan
yahay ka soo qaad 10 cisho× 82 mudane×$ 2,500÷30 cisho = $ 68, 300
"Siddeed iyo Lixdan Kun iyo Saddex Boqol oo Doolar". Haddii aynu
lacagtan u qaybino 227 hooyo oo iskuulada wax ku hor iibiya ama wadhatooyinka
suuqa ka mid ah waxa hooyadii kasta ku soo hagaagaya $ 300, tan macnaheedu waa
in 10 cisho oo goluhu xidhnaa 227 hooyo
ay maalgelin ka heleen.
Haddaba, waxa aan idin
kula talin lahaa in laba mid yeeshaan, in dadkii idin doortay aad qaantoodii
shaqo ugu guddaan ama shilinkoodii oo u celisaan ugu guddaan.
W/Qoray Abdirashid
Mohamed Jama "Belel"
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!