Muuse Biixi Oo Lagu Eedeeyay In Uu Ku Dhaqmayo Dhaqanadii Siyaad Bare

0
Friday September 30, 2022 - 12:49:53 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1791
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Muuse Biixi Oo Lagu Eedeeyay In Uu Ku Dhaqmayo Dhaqanadii Siyaad Bare

    "Xadhiga siyaasiga ah Muuse Biixi wuxu wax wanaagsan u arkay intii uu Madaxwaynaha noqday"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Xadhiga siyaasiga ah Muuse Biixi wuxu wax wanaagsan u arkay intii uu Madaxwaynaha noqday"


Hargaysa (HWN) Siyaasi Cali Guray ayaa sheegay in Muuse Biixi ku dhaqmayo mid ka mid ah dhaqamadii Siyaad Bare, kaasi oo ah in jeelasha Somaliland ay ku jiraan dad layidhaa LAHAYE, kuwaasi oo ah dad ciidamadu soo xidhaan bilaa maxkamadna ugu jira Jeelasha.

Siyaasi Cali Guray oo baahiyay qoraal uu kaga hadlayo arinkaasi ayaa yidhi :-

 

"Xadhiga siyaasiga ah Muuse Biixi wuxu wax wanaagsan u arkay intii uu Madaxwaynaha noqday. Intii hore xumaantiisa sidii qof neceb oo ka soo horjeeda ayuu u hadli jiray. Hadii uu hadda u arko wax wanaagsan wuxu si cad u qiray in kii siyaad Barre-na uu sax ahaa. Xdhiga dadka aan maxkamad la hor geyn ee amar madaxwayne uu ku xidhan waxa la odhan jiray LAHAYE. Meel uu la haye sharciga ka soo gaalaa ma jiro. Hadaba Maxamed Siyaad Barre nin xukunka qori ku qabsaday oo leh qori uun baa la igaga qaadi karaa buu ahaaye waxa nasiib darro ah ka ay si dimuqraadi ah dadkiisu Madaxwayne ugu doorteen ee hadana leh habdhaqan la mid ah kii xukunka qoriga ku qabsaday miyaanu ka sii xumayn.

 

Hadda xukuumadda Muuse waynu og nahay heerka dadka loo xidhxidho siyaasaddu ay halkii ugu xumayd abid ay gaadhay Laantii Buur iyo Labaatanjirowna ay noqdeen Gebilay iyo Baki. Noocan hadda Madaxwayne Muuse u dhaqmayo waa "democracy of dictatorship”. Wuxu ka helo ayuuse leeyahay. Maanta waa maalintiisii inta cadaalad darro iyo dulmi uu samayn karo ha sameeyo. Wax uu la hadhaa xumaan yaanay jirin

 

Suldaanka nacayb iyo ciil dheeraad ah ayaa u dheer lahayaasha dulmiga u xidhan ama loo xidhxidho intii uu Muuse Biixi Madaxwaynaha noqday. Weliba markii la qabanayay si xun baa loo garaacay. In lagula sii dardaarmayna u dhaw” ayuu yidhi siyaasi Cali Guray.

 

Dhawaan ayay ahayd markii jeelka laga siidaayay Suldaac Cadde-gude oo isna ay xidheen ciidamada Booliska Somaliland muddo dheerna ugu jiray jeelka Maxkamad la’aan


Loading...
Loading...