Qodobada Ay Ku Heshiiyeen Abiy Axmed Iyo Xassan Sheekh
Madaxweynaha Dowladda
Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasha rasmi ah ku tagay dalka
Itoobiya ayaa wadahadal la yeeshay Raysal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.
Qodobada ay ku
heshiiyeen Abiy Axmed iyo Xassan Sheekh
1. In la kobciyo, lana
xoojiyo xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada dal iyo Labada shacab,
kaas oo sal looga dhigayo qadarinta qarannimada iyo midnimada labada dal.
2. Waxay ku celiyeen
go'aankooda ah inay si wax ku ool ah isaga kaashadaan dagaalka ka dhanka ah
cadowga ay wadaaageen labada dal ee Argagixisadda iyo Xag-jirnimada, waxa ayna
fareen hay’adaha amniga xoojinta iyo tayeynta iskaashiga amni ee ka dhaxeeya.
3. Labada Hogaamiye
waxay bogaadiyeen howlgalada ka dhanka ah argagixisada ee ka socda Gobollada
Soomaaliya, gaar ahaan duulaankii ugu dambeeyay ee ciidamada XDS ay ku qaadeen
Al Shabaab.
4. Madaxdu waxay ugu
baaqeen Golaha Amaanka Qaramada Midoobay in ay tixgaliyaan codsiga Dowladda
Federaalka Soomaaliya ee ah in laga qaado cunaqabateynta hubka ee saaran dalka
in ka badan 30 sano, si loo xaqiijiyo in Ciidamada Soomaaliyeed ay dalkoodaa ka
xoreeyaan Al-Shabaab iyo kooxaha kale ee argagixisada ah.
5. Waxa ay hoosta ka
xariiqeen baahida loo qabo in la wada shaqeeyo, la yareeyo saameynta dibadda
iyo faragelinta laga yaabo inay wiiqdo nabadda iyo xasilloonida gobolka iyo
dadaalka wadajirka ah ee la dagaalanka argagixisada.Si taas loo gaaro, waxay ku
heshiiyeen in ay yeeshaan wada-tashiyo laba geesood ah oo joogto ah iyo in la
iska kaashado golayaasha loo dhan yahay iyo kuwa goboleedba, korna loo qaado
danaha guud ee ku salaysan is-xtiraamka labada dhinac iyo madaxbannaanida
labada dal.
6. Waxaa la bogaadiyay
Ciidamada Difaaca Itoobiya ee sida geesinimada leh ugu huray naftooda nabadda,
xasiloonida iyo dowlad dhiska Soomaaliya.
7. Madaxdu waxay xuseen
in labada dal iyo guud ahaan dalalka gobolka ay soo foodsaareen abaaro soo
noqnoqday iyo masiibooyin kale oo dabiici ah, kuwaas oo ay keeneen isbeddelka
cimilada, khatarna ku ah nolosha dadka deegaanka.Waxay ku nuuxnuuxsadeen in ay lama
huraan tahay in arrimahan la iska kaashado, loona baahan yahay in la laba
jibbaaro dadaallada looga gudbi karo caqabadahaas.Waxay sidoo kale ugu baaqeen
saaxiibada caalamiga ah in ay sii wadaan taageerada bulshooyinka ay abaartu
saameysey.
8. Madaxdu waxay ku
heshiiyeen in la kordhiyo deeqaha waxbarasho iyo tababarada ee Itoobiya ay
siiso shacabka, shaqaalaha, ciidamada ammaanka iyo hay'adaha Jamhuuriyadda
Federaalka Soomaaliya.
9. Labada hoggaamiye
waxa ay adkeeyeen muhiimadda ay leedahay balaarininta iyo horumarinta
iskaashiga dhinacyada Ganacsiga, maalgashiga, Isgaarsiinta, amniga iyo
siyaasadda.
10. Madaxdu waxa ay
fareen xafiisyada dawladda in ay sameeyaan guddiyada isku dhafka ah ee
Wasaaradaha, sida ugu dhakhsaha badan ee suurtogalka ah, si looga doodo loona
dejiyo tilmaamaha iyo hababka fulinta ee arrimaha danaha labada dhinac.