Dadaalkii Guusha Dhalay

0
Friday September 30, 2022 - 08:58:40 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1036
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dadaalkii Guusha Dhalay

    W/Q Isra Cumar Aw Cabdi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q Isra Cumar Aw Cabdi.



 

Waxa ay ahayd sanadkii 2019 kii markii aan isa soo qorayJaamacad aan ahayn mida aan hadda ka qalin jabinayay ee (Admas) isla maalintaasi aan isa soo diwaan galiyay aniga, oo aan Imtixaan galin, oo aanay jirin wax laygu qabsadaa kuna baxay derajo fiican wakhtigii secondary-ga (80.83%) Haddana waa la ii diiday, in aan ka mid noqdo ardayda kusoo biiraysa Jamacadaas!

 

Waxa aan waydiiyay ninkii faylka iga qabanayay sababta? Waxa uu igu yidhi hadal aad iiga yaabiueh kaasi oo ahaa "Shahaadadan waa been, oo malihid balse Walaashaa ayaad kasoo qaadatay, mana aad gaadhin wakhtigii jaamacada ee iska tag"

 

Runtii maalinkaas waxaan ka imid aniga oo, aad u niyad jabsan, in kasta, oo ay markii danbe i aqbaleen maalintii danbena balse anigu kumaan qancin, in aan galo Jaamacadaas waanan iska diiday.

 

Jaamacadii labaad, ee aan iska diiwaangeliyey waxa ay noqotay Admas University. Keliya saddex cisho ayaa ka hadhsanaa wakhtigii xidhitaanka (Deadline) ee la isku diiwaangelinayey.

 

Waxaan noqday qof hammi sarre leh kuna dhiiranaysa, in ay si toosa ula qaybsato fursadaha dadka iga wayn da'ahaan.

 

Waxyaabaha ugu adag, ee aan soo maray balse hadda guushayda macnaha u yeeshay waxa ay tahay, in aan semester dhan aan hal Class la wadaagay 24 wiil iyo aniga kaligay.

 

Waa ay jireen wakhtiyo ka adkaa, kuwaasi, oo iga dhigay qof daciif. Dhab ahaantii way i xanuujiyeen waayuhu, oo iga ilmaysiiyeen waxaa ayna i bareen qofka ii dhaw iyo kan kale balse waxa aan kaga soo baxay dadaal iyo samir iyo Alle, oo aan tallo saartay.

 

Dedaal kasta oo loo xadhko xidho hubaashii maalin uun baa midhihiisa la gurtaa. Waxaa sharaf iyo faan ii ah, in aan noqday qofkii ugu sarreeyey ee kulliyadayda (Honor of Economic's weli ba aniga oo ku baxay CGPA 3.97.

 

Mahadcelin:-

Hooyo waad mahadsantay ducadaadii, dadaalkaagii iyo naf hurida aad i galisay ayaan heerkan kusoo gaadhay. Waxaana farxad iyo han wayni iigu filan, in aad hooyaday tahay ana aan inantaadii ahay. waxa aan rajaynayaa, in aan inyar uun u dhawaaday wixii aad iga filaysay Hooyooy.

 

W/Q Isra Cumar Aw Cabdi.



AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...